WorldRemitAds
Sida xarunta caalamiga ah ee falaga Islaamigu ku warantay, waxa subaxnimada hore ee maalinta arbacada bisha 9, March 2016-ka, dunida meelo badan oo ka mid ah laga dareemi doona qorax madoobaad, dhamaanba ilayska falaadhaha qoraxdu qarsoomi doonaan.

Qorax madoobaadkan oo noqonaya, qorax madoobaadka koowaad ee sanadkan, ayaa dhulka sida fiican looga dareemi doono aanay ku jirin qaarada Afrika iyo inta badan dalalka Bariga dhexe.
Sida xarunta caalamiga ee Falaga Islaamigu sheegtay waxa qorax madoobaadkani ka bilaabmi doona, koonfurta bari ee qaarada Eeshiya, wakhti bariga dhexe iyo Afrika inteeda badani ku jiraan saq badhka habeenimada salaasada, waxaanu socon doona muddo sadex saacadood ah.
Sida Malhum Bin Maxamed Hindi oo ka mid ah khubarada waaweyn ee xarunta xidigiska iyo Falaga Islaamigu, uu sheegay qorax madoobadkan ayaa subaxnimada hore ee arbacada ku dhamaan doona jasiirada Hawaii ee dalka Maraykanka marka saacadu tahay 7:38-daqiiqo Saacada Maka Al Mukarama.
Dhinaca kale Wakaalada Duulimaadyada iyo sahaminta hawada sare u qaabilsan dalka Maraykanka ee NASA, ayaa warbaahinta u sheegtay in qorax madoobaadkan oo noqonaya ka ugu horeeya labo dayax madoobaad oo sanadkan dhici doona uu gabi ahaan madow dam ah gelin doono qaybo badan oo ka mid ah dalka Indonesia, gaar ahaan jasiirada Sumatra.
Waxa kale oo iyaguna madow aan habeenka ka dhicin noqon doona dalalka Philippines iyo Borneo, waxa meelaha sida wayn looga dareemayaa u badan yihiin badhtamaha iyo konfurta qaarada Eeshiya, laakiin bariga dhexe iyo Afrika laga arki maayo.
Dayax madoobaadka labaad ee sanadkan oo la saadalinayo bisha sideedaad August ayaa noqon doona, mid si fiican looga dareemi doono qaarada Afrika, gaar ahaan Somaliland, laakiin sida xarunta caalamiga ee Falaga Islaamku sheegtay dayax Madoobaadka koowaad ee sanadka 1437 Hijriga, lagama dareemayo waddamada Bariga dhexe iyo Afrika.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.