WorldRemitAds
Booliska dalka Talyaaniga ayaa ku guulaystay inay qabtaan, duuliyaha Diyaarad Labo boqol oo rakaab ahi ku safrayeen, kaas oo ku hanjabay inuu shil gelin doono diyaaradiisa, isaga iyo dhamaan rakaabkuna wada dhiman doonaan haddii xaaskiisu ka hadho.

Sida ay ku warantay jariirada Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa, Duuliyahan ayaa fariin qoraal ah u diray xaaskiisa, waxaanu u sheegay inuu haligi doono diyaarada, isaga iyo rakaabkuna meel ku wada dhiman doonaan.
Duuliyahan ayaa ka cadhooday Xaaskiisa oo ku gacan saydhay inay raacdo oo ka mid noqoto rakaabka, waxaanay si degdeg ah u wargelisay booliska iyo ciidamada Ammaanka dalka Talyaaniga, kuwaas oo ku guulaystay inay duuliyahaa gacanta ku dhigaan, labo daqiiqadood oo kaliya ka hor intaanu diyaarada duulin.
Waxa si degdeg ah loogu badalay duuliye kale oo isla shirkada ka tirsan, waxaanay diyaadi ka haaday dhaabaha diyaaradaha ee Roma iyadoo aanay rakaabkii ku safrayay ee labada boqol ee qof tiradoodu ahayd waxba ka ogaan shilka faro cididood kaga badbaadeen.
Booliska Talyaaniga ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen duuliyahan, lama shaacin magaciisa, balse waxa uu sii kordhiyay, cabsidii diyaaradaha iyo duulimaadyada Madaniga ah ee dunida, sababtoo ah? Waxa wali xasuusteedu taagan tahay, shilkii duuliyihii Jarmalka ahaa ee Andreas Lubitz, ku riday diyaadii uu duuliyaha ka ahaa, kuna haligay dhamaan rakaab iyo shaqaale wixii la socday, markii uu si badheedh ah ugu dhuftay Buuraleyda Alps ee dalka Faransiiska.
Sida jariiradu sheegtay diyaadan duuliyaheeda la xidhay, ayaa u kala gooshaysay, Roma oo caasimadda Talyaaniga ah iyo Tokyo oo ah caasimadda dalka Jarmalka, waxaanay diyaadu ka duushay garoonka Roma wakhtigii caadiyan duulimaadku ku mudaysnaa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.