WorldRemitAds

Buuhoodle, Somalia, March, 27, 2012 (Saxafi) – Hogaamiyaha kooxda SSC ee ka horjeedda Madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye oo la filayey inuu maalmihii la soo dhaafay soo gaadho Magaaladda Hargeysa, ka dib waan-waan dhanka telefoonka ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay u socday xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ka baaqsaday inuu yimaado.

Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye) oo Maleeshiyaadka hubaysan ee uu hogaamiyaa dhowr jeer dagaal ciidamada qaranka kula galeen deegaanada Gobolka Sool, balse wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland kulan la xidhiidha sidii xal looga gaadhi lahaa dhibaatada SSC iyo xukuumadda ka dhaxaysa kula yeesheen Magaaladda Jabuuti horaantii bishii dhammaatay, isla-markaana aanay wax natiijo ahi ka soo bixin ayaa haddana maalmihii la soo dhaafay la sheegay inay khadka telefoonka kula shireen wasiiro uu ka mid yahay Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo ah masuulkii hogaaminayey gogoshii nabada ee sanadkii hore lagu qabtay degmada Widh-Widh iyo guddoomiyaha urur siyaasadeedka SSCD Kayse Cabdi Yuusuf oo isagu hore uga mid aha kooxda SSC ayaa la sheegay inay Xaglo toosiye ku qanciyeen inuu Hargeysa yimaado si ay xukuumadda uga wada hadlaan arimo la xidhiidha inuu kaalin ku yeesho gogosha nabada ee Madaxwayne Axmd Siilaanyo u fidiyey beesha Sool iyo Buuhoodle.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Mr Saleebaan Xaglo toosiye masuuliyiintan hadalkooda ku qancay isla-markaana balan-qaaday inuu Hargeysa iminayo, balse ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa shabakada Ramaas oo aanu warkan ka soo xiganay u sheegay inuu ka baaqsaday inuu Hargeysa soo gaadho si uu masuuliyiinta xukuumadda ula hadlo fuliyana casuumada loo fidiyey.

SomlegalAds

Ilaa hadda lama garanayo waxa uu gocday Saleebaan Xaglo-toosiye ee sababay inuu iman waayo Caasimada Somaliland ee Hargeysa, inkasta oo warar aan la xaqiijin sheegeen in arintaasi ay ka war-heleen siyaasiyiinta dibad-wareega ah ee Maamulka la baxay Khaatumo oo uu isagu hore uga soo hor-jeedsaday, una sheegeen inay bulshada ku kicin doonaan si xasaanada hogaaminta SSC looga xayuubiyo, kuna khasbanaaday inuu baajiyo safarkii uu ku iman lahaa Hargeysa.

Maalmihii u dambeeyay ayaa warbaahinta Maxaliga ahi baahinayeen inuu Saleebaan Xagol-toosiye Hargeysa ku imanayo casuumad uu ka helay xukuumaddaSomaliland, balse wararkaasi waxa meesha ka saaray imaanshiyo la’aantiisa wakhtigan.

Dhinaca kale,  Dawlada Madaxweyne  Shariif ee Soomaaliya ayaa Idaacad  FM ah ugu deeqday kooxda Khaatumo, taasoo la doonayo in  lagu  carqaladeeyo  nabada  iyo deganaanshahaSomaliland.

Idaacadan ayaa lagu wareejiyay  munaasibada lagu qabtay  xarunta wasaarada warfaafinta Soomaaliya ee Magaalada  Muqdisho , waxaana  idaacadan loogu talagay in  lagu kalla fogeeyo shacbigaSomaliland.  Iyaddoo ujeedadu tahay inay la hadasho dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle oo ay kooxda Khaatumo  sheegato in uu maamulkeedu ka dhisan yahay.

Wasiirka warfaafinta dawlada Soomaaliya Cabdiqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) , ayaa sheegay in ay xukuumadiisu garab taagan tahay kooxda Khaatumo. “Idaacadan waxa lagu wacyigelinayaa dadka dawlad goboleedka Khaatumo , maamulku  ma laha  idaacad uu shacabkiisa wax uga gudbiyo,” ayuu yidhi  Cabdiqaadir Jaahweyn.

 Idaacada FM-ta ayaa  laga taagi doonaa  Magaalada Buhuoodle oo xarun u ah kooxda Khaatumo, halka xarun kale oo   la hadasha qayb ka mid ah gobolka Sool laga samayn  doono degmada Taleex oo ah halkii lagu aas-aasay Khaatumo dhawr bilood ka hor.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.