WorldRemitAds

Ku darso Ogaalkaaga In Dalka Hindiya yahay ka luuqadaha ugu badan dunida lagaga hadlo.

Ku darso Ogaalkaaga in tirada dadka Shiinaha ah ee afka Ingiriisiga Ku Hadlaa ka badan tahay tirada dadka Maraykanka iyo Ingiriiska oo la isku daray.

Ku darso in cidii ugu horaysay dunida ee Baaruuda qaraxda ikhtiraacday ahayd Muslimiinta, meeshii ugu horaysay ee lagu sameeyayna ahayd dalka Ciraaq.

SomlegalAds

Ku darso Ogaalkaaga In dalka Ciraaq yahay waddanka diimaha ugu badan laga aaminsan yahay.

Ku darso Ogaalkaaga, in Maroodigu dhinto haddii qudhaanjo dhegta ka gasho, taas oo lagu ogaaday, baadhitaano dhakhaatiirta xooluhu sameeyeen.

Ku darso Ogaalkaaga, In Beertii Ugu Horaysay ee Xayawaanka Lagu rabeeyo Dunida sanadkii 1793 laga sameeyay Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Ku darso Ogaalkaaga, In 640-Cisho Maroodigu Uurka hooyadii ku Jiro.

Ku darso Ogaalkaaga, In Masaafada Codka Libaaxa laga maqli karaa tahay 8km.

Ku darso Ogaalkaaga, In Bisadu samayn karto ilaa 100-cod oo kala duwan, halka Eygu 10-Cod oo qudha u ciyi karo.

Ku darso Ogaalkaaga, In Maalin kasta Dunida lagu qiijiyo 15, 3-Bilyan Xabo Oo Sigaar ah, taas oo laba jeer ka badan tirada dadka dunida ku nool.

Ku darso Ogaalkaaga, In Jidadka waaweyn ee magaalooyinka dalka Jaban aanay lahayn magacyo, sida caasimaddaha kale ee dunida magacyo jidadku u leeyihiin.

Ku darso ogaalkaaga In Basashu tahay shayga labaad ee milixda soo raaca ee aadamigu isticmaalkeeda ka siman yahay.

Ku darso Ogaalkaaga in Timirtu marka ay si fiican u bislaato dawo ka noqoto calool istaaga, marka aanay bislaana dawayso casiraada iyo cuduro badan.

Ku darso ogaalkaaga in farasku dhinto haddii dabada la gooyo oo aanu noolaan Karin.

Ku darso Ogaalkaaga in bisadaha, Fardaha iyo Bakayluhu ka mid yihiin xayawaanada ugu maqalka wanaagsan.

Ku darso Ogaalkaaga In Wadnuhu kaydiyo xusuusta ugu badan, maskaxdana kaga badan yahay, diinta Islaamkuna ay kun iyo afar boqol oo sano ka hor inoo sheegtay, halka reer galbeedka iyo saynis yahanadu ka ogaadeen sodon sanadood ka hor.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.