Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Turkigu Dhisayo maanu ahayn Ciidankii ku xusnaa Warbixintii Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee la magac baxday “A Government at War with Its Own People”, maanuse ahayn Ciidanka ay ku maqan yihiin in ka badan 50,000 oo qof oo la xasuuqay.
Waxaan qoraalkan qorayaa aniga oo jidhiidhico badani igu taagan tahay, aniga oo ay i horyaallaan wixii ku dhacay shacabkayga dhawr iyo labaatan sano, aniga oo ka murugoonaya in bilaash laga soo qaaday wixii ay shacabkaasi u dhinteen, waxaanse filayaa in dad badani ila fahmi doonaan marka ay qoraalkaygan akhriyaan.
![Ciidamada Cirka](https://i0.wp.com/saxafimedia.com/wp-content/uploads/2015/12/Ciidamada-Cirka-300x188.jpg?resize=409%2C256)
![Ciidankii Cirka](https://i0.wp.com/saxafimedia.com/wp-content/uploads/2015/12/Ciidamadii-Cirka-ee-Somalia-300x169.jpg?resize=463%2C261)
27 sano oo dhacdadaas laga joogo illaa haatan lagama heshiinin wixii xilligaas dhacay, Dawladda Xamar haatan ka jirtaa waxayba inkirsan tahay wixii dhacay, waxay u arkaan inuu la mid yahay dagaal sokeeyey oo Beledweyn ama Muqdisho ka dhacay, waxay u arkaan ceeb iyo liidnimo qofka yidhaahda Hargeysa ayaa cid lagu dilay, taas bedelkeeda waxay xilligan heegan ugu jiraan wax kasta oo hagardaamo ku ah Somaliland.
Kaaga sii darane Ciidanka la tababarayaa waa dhalinyaro, waa rag aan taariikhda wax badan ka ogayn, waa ciyaalkii ku tababartay dagaallada sokeeye ee Xamar ka socda, waxaana hoggaanka u haya isla raggii shalay duqaymaha ka geysanayey Hargeysa, mana ah dad ka gaabsan kara dhiig kale oo ay daadiyaan ciidamadaasi.
Waxaan isweydiiyey Tolow Turkigu maanu akhriyin warbixintii hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ee la magac baxday “A Government at War with Its Own People” haddii uu warbixintaas keliya akhiri lahaa waxay uga jawaabi lahayd su’aalo badan oo ku xusan maqaalkaygan.
Haddaba, waxaa nasiib darro ah in dawladda Turkigu ay markale ciidankii cirka u dhisayso dawladda Soomaaliya, iyada oo aan weli laga heshiinin hagardaamadii ka dhalatay, waxaa nasiib darro ah in dawladda Turkigu ay qalabayn ku samaynayso ciidankii Cirka iyada oo weli ay sii qoyan yihiin meydadkii ay rusheeyeen diyaaradaasi, waxaa nasiib darro ah in gantaallo iyo diyaarado loo dhiibayo ciidankaas isaga oo weli duullaan ku ah shacabka Somaliland.
Waxaa nasiib darro ah in dawladda Turkigu ay tidhaahdo dhexdhexaad ayaan Soomaaliland iyo Soomaaliya u ahay, haddana ay hubayso hal dhinac oo keliya oo weliba ah dhinicii dhibta geystay, waxaa nasiib darro ah inaanay intaas ku joogin ee dhaqaale iyo taageero diplomaasiyadeed ugu dareen.
![Ciidankii Cirka](https://i0.wp.com/saxafimedia.com/wp-content/uploads/2015/12/Ciidanka-Cirka-ee-cusub-ee-Somalia-300x169.jpg?resize=472%2C266)
Dareenka Dadkii Diyaaraduhu Xasuuqeen Ehelkooda.
Maxamed Daahir Samriye