WorldRemitAds
Mid ka mid ah siyaasiyiinta dalka Hungary ayaa Israel ku eedeeyay inay ka danbaysay weeraradii dadka badani ku dhinteen ee caasimadda dalka Faransiiska, si ay u kala disho dadka reer Yurub iyo qaxootiga muslimiinta ah ee muddooyinkii ugu danbeeyay waddamadooda ku soo qul qulayay.

Sida ay ku warantay jariirada ugu magac dheer dalka Israel ee Yedioth Ahronoth, oo cadadkeedi arbacadii soo baxay, ku daabacday warka eedaynta ee uu siyaasiga reer Hungary dusha uga tuuray Israel, ayaa qortay, erayadii uu eedayntiisa uu Israel ku tuhmay weeraradii Paris ku yidhi ninkaasi.
Israel Ku Eedeeyay Gábor Huszár, oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga ka taliya dalka Hungary ee Fidesz Party, ahna Maayarka magaalada Szentgotthard, ayaa mar uu golaha degaanka ee magaaladiisa la hadlayay, soo qaatay weeraradii Paris, waxaanu yidhi, “Waxyaabihii Paris ka dhacay, waxay ahaayeen, weeraro si wayn loo soo qorsheeyay, oo cida fulin karta ee ka danbaysay ay iska cadahay, waxanan si shaki la’aan ah u odhan karaa, waa mid aan shaki ku jirin, in dawlada Yuhuudu fulisay oo ay iyadu soo maleegtay.” Ayuu yidhi.
Gábor Huszár, oo sharaxaad ka bixinaya sababta ay Israel loogu tuhmi karo masuuliyada weeraradii 129-qof ku dhinteen ee Paris, oo lagu eedeeyay kooxda Dacish iyaguna qirteen masuuliyadooda, ayaa yidhi, “Sababta ayaa ah mid cadaan ah, waxaanay Israel iyo dawlada Yuhuudu, ka shaqaynayaan, sidii dadka reer Yurub iyo qaxootiga muslimiinta ah ay ku kala dili lahayd, oo colaad iyo nacayb uga abuurto, waanay dhacday sida muuqata.” Ayuu yidhi Gábor Huszár.
Maayarkan ayaa hadalkan ka jeediyay kulan albaabadu u xidhan yahay oo uu golaha degaanka kala shirayay, sidii xeryo cusub magaaladoodu dadka qaxootiga ugu dhisi lahayd.
Wargeyska ayaa helay codkii ninkaas siyaasiga ah oo telefoon lagaga duubay, kaas oo wax yar ka dib markii ay daabacday, ay dawlada Israel si wayn uga cadhootay oo jawaab cadho ah oo deg deg ah ay ka bixisay.
Danjiraha safaarada Israel ee Budapest caasimadda Hungary, ayaa ugu horeeyay oo bayaan ka soo saaray, safaarada, waxaanu si kulul u canbaareeyay siyaasigaas oo uu ku eedeeyay in nacayb Yuhuudeed uu qabo, si indho la’aana wax u sheegayo.
Safiirka ayaa soo xigtay warbixintii hay’adaha ammaanka ee dalka Faransiisku ka soo saareen, cidii ka danbaysay weerarada Paris, taas oo lagu cadeeyay in Kooxda Dacish (ISIS), ay iyadu ka danbaysay oo masuuliyadeeda lahayd, kooxdaasina qiratay.
Siyaasigan ayaa isna wakhti danbe ka bixiyay jawaab raali gelin ah, waxaanu sheegay in uu rayigiisa wax ku cabiray, laakiin aanu tuhunkiisu ahayn mid rasmi ah, waxa kale oo isna ka hadlay xisbiga talada dalka Hungary haya ee uu ninkani ka midka yahay siyaasiyiintiisa waaweyn, waxaana bayaan xisbigu soo saaray, lagu sheegay in hadalkaasi ku kooban yahay, siyaasigan oo uu rayigiisa cabiray, dawlada Hungary iyo xisbiga talada haya ee Fidesz party, aaminsan yihiin in kooxda Dacish fulisay oo ay ka danbaysay weeraradaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.