WorldRemitAds
Doomsday Plane – Saraakiiisha ugu sareeya ciidamada kala duwan ee dalka Ruushka ayaa duulimaad qaatay lix saacadood ku safray diyaada Yoomal Qiyaame (Doomsday Plane), oo ah aaladii ugu waynayd uguna tignoolajiyada saraysay ee ay khubarada dalkaasi farsameeyaan.

Diyaaradan Doomsday Plane oo nooceedu yahay jiilka labaad ee Ilyushin-80, ayaa sida lagu sheegay bayaan milatariga Ruushku soo saaray, noqonaysa tii labaad nooceeda ee dunida la sameeyo, waxana kaliya dunida haysta dalka Maraykanka oo kaliya.
Diyaadan ayaa ah mid muddo afar iyo labaatan saacadood duulimaadkeeda wadan karta iyadoo aan shidaal iyo wax adeeg ah oo kale u baahan, sidoo kale hubka nukliyeerka iyo dhamaan qalabyada kala duwan ee difaacay ku qalabaysan.
Doomsday PlaneMar uu sharaxaad ka bixinayay mid ka mid ah khabiirada Ruushka ee diyaaradan sameeyay, ayaa sheegay in dhigeeda Maraykanku ka haysto ay aad uga sarayso, waxaanu tusaale u soo qaatay diyaarada ugu tignoolajiga iyo awooda saraysa Maraykanka ee Yomal Qiyaame iyada lafteeda lagu magacaabo, taas oo tignoolaji ahaan iyo awoodeeda dunidu isla taqaan marar badana laga waramay.
Markii tijaabadii lagu samaynayay ay ku guulaysatay ayaa wasaarada gaashandhiga Ruushku shaacisay in dhawrka diyaaradood ee ugu horeeya nooceeda, sanadka soo socda loo gacan gelin doono ciidamada cirka iyo sahaminta hawada sare ee Ruushka.
Diyaarada Yomal Qiyaame (Doomsday Plane), waxa markii ugu horaysay dunida samaystay dalka Maraykanka, waxaana khubarada diyaaradaha ee dunidu isku waafaqeen in diyaaradaha magacan sitaa ay ka mid yihiin, kuwa loo daliishado heerka aadamigu tignoolajiga ka gaadhay, sababtoo ah? Waa kuwo dhinac walba ka miisaaman, waxaana ka mid ah kuwoodi ugu horeeyay diyaarada Madaxweyne Obama ee Air Force one, jiilkeeda labaad.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.