WorldRemitAds
Home Blog Page 645

Ingiriiska Oo Xukun Ku Riday Nin Ay Ku Sheegeen Ku-Xigeenka Tababaradda Al Shabaab

SomlegalAds

Nafteyduun-bay Ilaa Xantaan

SomlegalAds

‘Hal Aan Ka Idhi Warshada Sibidhka Berbera’

Cali Maxamed (Suldaan)

SomlegalAds

Is-Casilaadda Xabsiga Dhexdiisa Ee Badhasaabkii Hargeysa Iyo Agaasimihii Guud Ee Dib-U-Dejinta, Iyo Madaxtooyada Oo Waxyar Kadib Xil-ka Qaadistooda Shaacisay

Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji)
Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) oo ay ciidanka Bileysku ka qabteen Xarunta Baarlamaanka xilligii uu ahaa Guddoomiyihii gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE (Photofile)

Hargeysa, Somaliland, March 10, 2012 (Saxafi) – “Xilalkii aanu haynay waanu iska casilnay, ee naga gaadhsiiya ummadda,” Sidaas waxa si wada-jir ah ugu tiraabay Badhasaabkii gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Dib-U-Dejinta, Axmed Cumar Barre oo weriye ka tirsan Wargeyska Saxafi ku booqday xarunta Baadhista dambiyada ee Bileyska Hargeysa, halkaas oo ay ilaa maanta gelinkii hore ku xidhnaayeen.

Badhasaabkii Hargeysa, Agaasimihii Guud ee Dib-u-dejinta iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka oo la odhan jiray Cismaan Siciid Jaamac ayaa ciidamada bileysku xabsiga u taxaabeen saaka kadib markii lagu eedeeyay inay guri magaalada Hargeysa ku yaal si sharci-darro ah ugu rogeen saddex gaadhi oo raashin mucaawimo ah, kaas oo maalmihii u dambeeyay baadi-goobkooda lagu jiray kadib markii si khaldan loo leexsaday, isla markaana laga daabulay Bakhaaro lagu rogtay markii hore.

Masuuliyiintan oo ku xidhan xarunta CID ee Hargeysa, ayaa loo diiday gebi ahaanba cid halkaas ku booqata, xataa eheladooda, iyagoo madaxda Laanta Dambi Baadhista Bileysku sheegeen in amar lagu siiyay inaanay cidi arag.

Hase yeeshee weriye Saxafi ka tirsan oo ay u suurto-gashay inuu CID-da ku booqdo masuuliyiinta la xidhay, ayaa la kulmay Badhasaabkii Hargeysa Xamarji iyo Agaasimihii Guud ee Dibu-dejinta Axmed Cumar, kuwaas oo uu weriyuhu u helay daqiiqad wax ka yar, waxaanay labadan masuul si wada jir ah u sheegeen inay iska casileen xilalkii ay qaranka u hayeen wakhtigaas laga bilaabo.

Hase yeeshee daqiiqado yar kadib waxaa shir jaraa’id xarunta Madaxtooyada ku qabtay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici), kaas oo ku dhawaaqay wareegto uu Madaxweyne Siillaanyo xilkii kaga qaaday saddexda Masuul ee xabsiga loo taxaabay, isagoo sheegay in xadhigoodana ay u mareen dariiq sharci ah oo ay fal-dambiyeed faraha kula jireen waa sida uu hadalka u dhigaye wakhtiga bileysku gacanta ku soo dhigay. Balse sida ay wararku sheegayaan Badhasaabka Hargeysa Xamarji ayaa la qabtay kadib markii uu  Ku-simaha taliyaha bileyska Somaliland, Mr. Fooxle oo ay laba-saddexdii u dambeeyay ka wada shaqaynayeen helista gaadiidka raashinka mucaawimada siday ee la leexsaday, telefoon ugu yeedhay, kadibna uu Xamarji Taliska Bileyska ugu tegay, halkaas oo uu Taliye Fooxle ugu sheegay inuu haysto amar lagu qabanayo oo xabsiga loogu taxaabayo.

Ilaa hadda Bileysku tafaasiil kama bixin fal-dambiyeedka raashinkan ku saabsan iyo doorka ay masuuliyiintani ku leeyihiin ee lagu eedaynayo, balse waxaa jira warar aan weli soo shaac bixin oo sheegay inay jiraan rag kale oo iyagu lahaa masuuliyadda raashinkani markii hore kaga soo baxay dekedda Berbera, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay leexsashada raashinkan masuuliyadeeda koowaad lahaayeen, iyadoo aan weli ciidamada Bileysku gacanta ku dhigin laba nin oo sida la sheegay masuul ka ahaa amarka raashinka lagu soo raray iyo jihooyinka loo soo diray in raashinkaas la gaadhsiiyo.

Amarka xadhiga Masuuliyiintan ee ka soo baxay Madaxtooyada iyo xil-ka-qaadistoodaba, ayaan si cad u iftiimin fal-dambiyeedka lagu eedayno masuuliyiinta la xidh-xidhay, balse Madaxweyne ku-xigeenka ayaa shirkii jaraa’id ku sheegay in weli baadhistoodu socoto.

Halkan ka akhri war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, oo la xidhiidha wareegtada Madaxweynuhu xilka kaga qaaday saddexda masuul ee xabsiga loo taxaabay.

“War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne  oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.

1.  Badhasaabkii Gobolka Hargeysa, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac,

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.

Waxa uu go’aansaday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul,

Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona

  1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Hargeysa waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hargeysa.
  2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL”

SomlegalAds

Maleeshiyaad Ka Dagaalama Buuraleyda Galgala Oo Ku Kala Jabay Midow Ay Kula Bahoobeen Al Shabaab Iyo Garab Uu Hogaaminayo Siciid Atam Oo Kismaanyo Tagay

SomlegalAds

Hargeysa: Dawlada Hoose Oo Wasaarrada Arrimaha Gudaha La Kaashatay Fulinta Hawl-gal Dhiig Ku Daatay

Hawl-galka Dawladda Hoose ee Hargeysa ee dhimashada keenay

SomlegalAds

Xog U Qalanta Inaad Wax Ka Ogaato!

SomlegalAds

Hargeysa: Tartanka Xiisaha Leh Ee Mahrajaanka Shirkada KMC Oo Maalintii Sadexaad Galay

Mahrajaanka ay KMC ku qabanayso Hargeysa

SomlegalAds

Hogaamiyeyaal Dhaqan Oo Ka Hadlay Jidhdil Boorama Loogu Geystay Nin Wariye Ah

Somaliland Reporter Arrested, Beaten In Custody
Weriye Maxamed Cabdiraxmaan ayay bileysku jidh-dil ku sameeyeen kadib markii ay xabsiga u taxaabeen (Omer Albashiir)

SomlegalAds

Qaramada Midoobay Oo Kenya U Lacageynaysa Khasaaraha Ka Gaadhay Dagaalka Al-Shabaab

United Nations' Nairobi Office

SomlegalAds
error: Content is protected !!