WorldRemitAds

 “Ummadda abaarta ku jirta ee wakhtiga adag ku jirta waa inaad u tudhaan ee aad madaxtinimadda ka doonaysaan…”

Hargeysa, Somaliland, December 26, 2016 (Saxafi) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa madaxda xisbiyadda ku canaantay qaabka ay warbaahinta uga wada hadlaan iyo dhibaatooyinka ka dhalan karra haddii aan waxba laga qaban.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa fariin adag u diray masuuliyiinta siyaasadda, isaga oo u jeediyay inay hadalada qabyaalada kicinaya ee dhibta leh laga joojiyo warbaahinta, isla markaana sheegay inuu si toos ah ula hadli doonno madaxda xisbiyadaasi.

SomlegalAds

Sidaasna waxaa uu ka sheegay madal xafladeed oo ay garsoorayaal iyo bahda cadaaladda iskugu yimaadeen shalay, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in la helo xeerar iyo anshaxa xakameeya madaxda xisbiyada,“Maalmahan u dambeeyey haddii aad aragteen warbaahinta iyo xisbiyada waxay isku marinayaan iyo ficiladda la sheegayo ee dhacaya wax umada iyo dadkaba raali galin kara maaha, waanan arki doonaa waan la hadli doonaa madaxda xisbiyadda, waxaan leenahay nimanka doonaya inay wadankan madax ka noqdaan waar nabad galyadda ha la ilaaliyo, cufnaanta tartanka ha la ilaaliyo, waa in lagu soo celiyo sharciga iyo hab dhaqanka doorashooyinka.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali  oo si kulul ula hadlay madaxda xisbiyada.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Aw Cali  ayaa sheegay in loo baahan yahay ijn dadka loo tudho, isla markaana dadku raali ka ahayn sida wax u socdaan iyo sida madaxda xisbiyaddu u dhaqmayaan oo u muuqda mid dadka kala kaxaynaysa, waxaanu yidhi “Umadda abaarta ku jirta ee wakhtiga adag ku jirta waa inaad u tudhaan ee aad madaxtinimaad ka doonaysaan, oo aad u tartantaan si nadiif ah oo aydaan dhexdiina kala fogaan, dadkani nabad bay u baahan yihiin ee colaad uma baahna si aad hadhow toole dad iyo dal nabad ah aad madax ugu noqotaan, madaxnimada haddii aad dad iyo dalba meesha ugu tagi waydaan maxay dun xukumi, waar arrinkaasi xil weyn ha iska saareen xisbiyaddu”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.