WorldRemitAds
Raadi Cilmiga Min Dhalashadaada ilaa Dhimashada, run ahaantii waxa taa kaga dhabaysay Xaaji Faadumo, oo ah Ayeeyo 82-jir kaga baxday kuna dhamaysatay waxbarashadeedi jaamacadeed, isla markaana ka mid noqotay ardaydii ugu dhibcaha sareeyay kuliyadooda.

Xaaji Faadumo ayaa dhawaan ka qalin jabisay jaamacadda Qudus ee degaanka gacanka Qaza, waxaanay u soo dhabar adaygtay, caqabadaha badan ee la soo dersay muddadi afarta sanadood ahayd ee ay baranaysay, aqoonta casriga ah ee da’deedu aanay haweeysan.
Xaajiyadan oo guul wayn ka gaadhay barashada aqoonta culuunta kaambuyuutarka, ayaa markii ay dhamaysay, ee shahadada ay hantiday, oo makarafoonka loo dhiibay, hadal kooban oo waano u badan u jeedisay haweenka iyo waayeelka kale ee dhigeeda ah, waxaanay tidhi, “Wax barashadu maaha mid laga gaboobo, mana jirto wax marmarsiiyo ah oo looga hadhaa, waxaan ogahay ayay tidhi in haween badan oo da’deeda ahi ay ka niyad jabeen nolosha, isuna dhigeen inay gaboobeen oo aan wax rejo ahi u hadhin, laakiin taasi maaha sax ayay tidhi.
Ayeeyadan ayaa dadka waayeelka ah ee dhigeeda ah, ka codsatay inay awoodooda rabi siiyay tijaabiyaan, noloshana uga faa’iidaystaan aqoon korodhsi iyo dedaal dheeraad ah inay la yimaadaan.
Maamulka jaamacada ay Xaaji Faadumo wax ka baratay ayaa ku tilmaamay qof mucjiso ah, waxaanu maamulka jaamacada Qudus ee Gacanka Qaza ay u qireen qof karti iyo fahmo saraysa Illaahay ku galaday inay tahay Xaajiyadu.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.