WorldRemitAds
The Independent oo ka mid ah wargeysyada ugu magaca dheer dalka Ingiriiska ayaa shaacisay inay joojinayso nuqulkeedi waraaqaha ahaa ee ay soo daabaci jirtay, waxaanay taa badalkeeda ku koobnaan doonta oo dhaqa nuqulkeeda elegtarooniga ah ee macaamiishu ka daalacan doonaan shabakada Internet-ka.

Sida warbaahinta dunida intooda badani baahisay, maamulka jariirada isku qoofalan ee The Independent iyo Independent on Sunday, ayaa shaaca ka qaaday inay daabacadii wargeyskooda ee waraaqaha joojin doonaan bilowga bisha March ee soo socota marka la gaadho, waxaanu wargayska caadiga ah ay akhristayaashu akri doonaan oo qudha maalmaha ka hadhsan bishan aynu ku jirno.
Sababta loo joojinayo wargeysyadan ayaan si cad loo sheegin, waxa kaliya ee la shaaciyayna in maamulka guud ee Wargeysyadani qaatay oo uu go’aanka soo saaray.
Mulkiilaha guud ee wargeysyadan la xidhayo iyo kuwo kale oo shaqeeya, Mr. Evgeny Lebedev, kaas oo go’aan ku gaadhay in albabada loo laabo, wargeysyadan iyo daabacadoodi waraaqda ahayd, laguna badalo in la xoojiyo qaybtooda boga internet-ka, halkaas oo si faahfaahsan looga daalacan doono, lagana iibsan doono, sida uu ku waramay Lisa Markwell, oo ka mid ah, rug cadaaga waaweyn ee wargeysyadan la joojiyay daabacadooda.
Qoyska reer Lebedev, oo iyagu leh warbaahin kala duwan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan, daabacada wargeyska Standard oo isaga si bilaa lacag ah lagu siiyo dadka, waxa kale oo si caadi ah u sii shaqayn doona, telefishankooda gaar ah ee London Live Tv.
Wargeyska The Independent ayaa nuqulkeedi ugu horeeyay uu suuqa soo galay sanadkii 1986-kii, waxaanay ka mid tahay wargeysyada ugu da’da yar Ingiriiska, haddana waxay ku jirtay kuwa loogu akhriska badan yahay, oo waxay dhaaftay wargeyso boqol iyo konton sano ku dhawaad ka soo bixi jiray dalka Britain.
Shaqaalihi wargeysyadan la joojinayo daabacadooda ayaa aamus kaga jawaabay, mana jiro wax war ah oo ay ilaa wali ka soo saareen, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in dacwad ka dhan ah, mulkiilaha ay qorshaynayaan, maxkamadana ay la geli doonaan, hase yeeshee uma badna inay degdeg u dhacdo, wax walbana waxay kala miirmi doonaan lix todobaad ka dib marka la gaadho.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.