WorldRemitAds

Ma ogtahay, in astaanta qaranka dalka Spain ama sida aynu u naqaano heesta calanka ee dalkaasi, kaliya muusig uun tahay, oo aanay lahayn erayo ama hees la qaadi karo, astaanta dalkaasi calankooda ku salamaan, ayaa markii murankeedu dhamaan waayay, ee qoomiyadaha dalkaas degaa isku khilaafeen, gabi ahaanba laga dhigay, muusig kaliya.

Ma ogtahay, in malabka saafiga ahi, aanu is badalin xitaa haddii uu kun sanadood yaalo, mase ogtahay, in sababtu tahay, maadooyinka kala duwan ee shinidu ka samayso malabku inay sabab u tahay, waxaana cadayntii ugu waynayd lagu ogaaday, markii dhawaan la helay, malab faraaciintii Masar, Qabri ku aaseen oo aan is badalin, sadex kun oo sanadood.

Ma ogtahay, in dahabka ku jira dunida haddii awood lagu soo saaro, dhamaantii la heli lahaa, lagu xardhi kari lahaa dhulka qalalan ee aan badaha iyo wabiyada ahayn oo dhan, taas oo macnaheedu tahay in waddooyinka iyo meel kasta dahab laga luli lahaa.

SomlegalAds

Ma OgtahayMa ogtahay, in qofka qaan gaadhka ah, uu garaaca wadnihiisu halkii daqiiqo, 70 ilaa 100 yahay, maalintiina garaaca wadnihiisu marka la isku geeyo noqonayo, boqol kun oo jeer, halka noloshiisa oo dhan, haddii uu todobaatan sanadood noolaado ay ka noqonayso, sadex bilyan oo jeer, waxaanay taasi wadnaha ka dhigaysa, aalada wax soo saar ee ugu awooda, tayada iyo tamarta wayn.

Ma ogtahay, in qof kasta oo aadami ahi, daqiiqadii qaato hawo lix litir u dhiganta, waana qiyaasta daqiiqad kasta hawada aynu dibada ka qaadano ee Oxygen-ta sanbabadeenu qaataan.

Ma ogtahay, in marka qofka da’diisu gaadho, lixdan jir, uu jidhkiisu waayo, boqolkiiba konton ka mid ah, dareemayaasha urta, mase ogtahay in qof kasta oo lixdan jir gaadhaa uu boqolkiiba afartan dareemayaasha dhadhamada ah waayo oo da’da iyo gabowga haleelay awgeed ay kaga lumaan.

Ma ogtahay, in qofku marka uu hadlayo uu isticmaalo ama ay shaqeeyaan boqol xubnood oo jidhkiisa ka mid ah, halka uu dhoola cadayntana ka adeegsado, 17 xubnood oo kaliya, marka uu cadhoodo ee uu afka buurana uu afartan xubnood ka adeegsado, waxaanay tani inoo cadaynaysaa in farxadu tahay, habka kaliya ee ugu dhibaatada yar jidhka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.