WorldRemitAds

Nin waayeel ah oo u dhashay dalka Masar ayaa iska tolay afka isla markaana ku hanjabay inuu iska soo tuuri doono mid ka mid ah fooqyada magaaladda Qaahira, haddii aanay xukuumadu si deg deg ah u soo dhex gelin dhibaatada caafimaad daro ee haysata, oo aan loo ogolaan in laga daweeyo dakhliga guud ee qaranka.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Nagiib Andoni kana soo jeeda dadka kiristaanka ah ee dalkaas ku dhaqan ayaa mudaraharaad la hor yimi xarunta ururka suxufiyiinta ee dalkaas, waxaanu isagoo afku tolan yahay soo qaatay warqad uu ku soo qortay halku dhegyo u badan ha dhaco wasiirka caafimaadku.

dfdfMuwaadinkan ayaa war fidiyeenada qoraal ugu sheegay in dhaawacyo ka soo gaadhay shil gaadhi ay ku keentay inuu la curyaamo isla markaana naafo ka noqdo qaarka danbe, sidaa daraadeedna aanu awoodi Karin qaliin lagu samaynayo oo hadii uu suura gal u noqdo keeni kara inuu dib ugu socdo cagihiisa.

SomlegalAds

Mr. Andoni waxa uu sheegay in wasiirku hore u diiday codsigiisa, wixii uu aduun haystayna uu ku bixiyay noloshiisa iyo nolosha qoyskiisa.

Nagiib Andoni oo 62-jir ahii waxa uu ku han jabay hadii aanay xukuumadu arinkiisa hoos u eegin oo aanay deg deg wax uga qaban inuu iska soo tuuri doono fooqyada dhaadheer ee magaalada Qaahira ama dab is qabad siin doono, hasa yeeshee masuuliyiinta ururka suxufiyiinta dalka Masar ayaa ka codsaday in aanu is dilin ee ay sheekadiisa iyo cabashadiisa gaadhsiin doonaan xukuumada.

Ninkan oo shil gaadhi ku dhaawacmay laakiin waxa loo kabay si khaldan oo aan sax ahayn taas oo ku keentay in curyaan nimo, waxaanu waraaqo codsi ah u qoray tiraba sadex madaxweyne oo Mubarak, Mursi iyo Sisi Ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.