WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November, 23, 2015 (Saxafi) – Danjiraha Somaliland u jooga Ethiopia Maxamuud Aadan Jaamac(Galaal) ayaa ka hadlay heerka dawladda Ethiopia iyo wadamada Africa ee xaruntoodu Addis Ababa tahay ka taagan yihiin qaddiyada gooni isku taaga Somaliland, wuxuuna sheegay in arrinta goosashada ay xasaasiyad ka qabaan wadamada Africa qaar badan oo ka mid ah.

Waxa uu rajo fiican ka muujiyay aragtida Ethiopia ee Somaliland, isagoo tilmaamay in dawladda Ethiopia horumarka Somaliland u aragto horumarka Ethiopia. Waxa uu sheegay inay naxariis badan u hayaan madaxda Ethiopia dawladda Somaliland, islamarkaana meel fiican ka taagan yihiin. “Wax badan ayaa noo qabsoomay dhinaca dublamaasiyadda..gaar ahaan Etiopia oo aqoon fiican u leh.” Ayuu yidhi waxaana uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Ethiopia waxaa ay aqoonsantahay in horumarka Somaliland yahay horumarkeeda,”

wakiilka ethioWaxa uu sidoo kale sheegay inay xoogga saaraan sidii wadamada kale ee Addis Ababa jooga ee midawga Africa ka mid yahay ay uga dhaadhicin lahaayeen qaddiyadda Somaliland, isagoo sidoo kale tilmaamay inay bulshada Somaliland adeegyo fiican u qabtaan, cidii muraad u yeelata Ethiopia.  “Ethiopia ka sokow, waxaanu isku daynaa in aanu ka dhaadhicino wadamada kale ee Afrikaanka ah Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaana uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Midowga Afrika arrin xasaasi ah ayaa ka jirta, waayo wadamo badan oo midawga Afrika xubin ka ah ayaa waxaa ka dhex jira ururo, ama jabhado ha noqdeen ama mucaarad ha noqdeene doonaya inay goostaan. Dawladaha arrintaasi saameyso aad bay uga soo horjeedaan maaha Somaliland uune wixii gooni isu taag ahba. Annagu waxaanu xooga saaraynaa dawladaha aanay arrintaasi saameyn.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.