WorldRemitAds
“Kulmiye Ahaan Waanu Canbaaraynaynaa Falkan” Xoghayaha Guud Ee Kulmiye
Hargeysa/Boorama, Somaliland, February 18, 2016, (Saxafi) – Wararka ka imanaya deegaamada Xeebaha Galbeedka Somaliland ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday goob diiwaan gelini ka socotay oo ku taala meel lagu magacaabo Hadeyti.

Wararka ka soo baxay
Warar kala duwan ayaa ka soo baxay goobtan sida wax uga dhaceen. Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh ayaa war uu soo gudbiyay ku sheegay in goobtan dadweynaha degmadda Lughaya u arkaan inay ka mid tahay Gobolka Awdal ay ciidamo ku duuleen, islamarkaana burburiyeen qalabkii diiwaan-gelinta.
Warku waxaa uu intaas ku daray in deegaankan Hadayti oo ilaa 20 Km koonfur ka xigta Lughaya, isla markaana 8km waqooyi-bari kaga beegan Cabdi Geedi, ay is khilaafeen dadweynaha deegaanka iyo kooxdan ku duushay, ka dibna ciidamada halkaa tegey ay odayaasha iyo hawldeenadii diiwaangelintaba ku amreen inay xidhaan goobtaasi oo ku jirtay goobihii hore khilaafka gobolka ay raacsantahay uga dhacay, hase yeeshee dadkii iyo hawlwadeenadii halkaa ku sugnaaba diideen inay xidhaan goobta ka dibna ciidanku xoog ku galeen, tacshiiradna ku rideen. Warka Weriyaha Awdal soo diray waxaa uu intaas ku daray in qalabkii halkaas yaalay khasaare soo gaadhay, iyadoo dhinaca kalena sida la sheegay uu dhaawac sahlani soo gaadhay askari ilaalinayey goobtaasi, halka tiraba dhowr baabuur oo xamuul ahaana laga dejiyay rakaab saarraa oo u socday goobtaasi si looga diiwaan geliyo.
Odaydhaqameedyadan ku doodaya in goobtan loo daayo ayaa warbaahinta uga warramay sababta ay ku diideen amarka, kuna dooday in Goobta Hadayte tahay ta kaliya ee beel ka mid ah beelaha deegaankaasi iska diiwaan gelinayaan, maadaama xukuumadihii hore ee Somaliland soo maray dadka deegaankaasi hore uga xidheen lix goobood oo ay ka codeyn lahaayeen ama iska diiwaan gelin lahaayeen. Sidaa darteedna aanay aqbali karin in goobtaasina laga xidho.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in ciidan hubaysani weeraray goobta diiwaangelinta. “Goobtaa waxaa soo weeraray niman hubaysan oo ku soo weeraray gaadiid iyo huba, goobtiina waxaa ay ka qaateen qalabkii yaalay, shaqaalihiina wax yeello ayay u geysteen. Markay faldanbiyeedkii fulliyeena goobtii waa ay ka baxsadeen, gaadiid ayaanay ku baxsateen ay wateen, qalabkii lagu shaqeynayayna waa ay la tageen. Markii ay dhacdadu dhacdayna waxaanu ku wargelinay dawladda, waxbaanay ka qabatay oo fal danbiyeedka nimankii geystay waxna waa ay haysaa waxna waa lagu daba jiraa” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanku, waxaana uu intaas ku daray inay ka xun yihiin falkan, islamarkaana ay qalab cusub oo u diyaar ahaa la geeyay goobtii oo ay shaqadii ka sii socon doonto goobteedii. “Komishan ahaan waxaanu canbaaraynaynaa fal-danbiyeed kasta oo loo geysto goobaha diiwaan gelintu ka socoto. Shacabkana waxaan ku bogaadinayaa sida ay uga qayb qaateen diiwaan gelinta socota. ” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku.
Xisbiga Kulmiye ayaa isna canbaareeyay falkan, Warsaxaafadeed Xisbigaasi soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud ee Kulmiye Xassan Siciid Yuusuf, waxaa lagu yidhi. “Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku taal deegaanka Hadayta oo hoostimaada degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.
Weerarkan oo ay gaysteen koox dad abaabulan ahi maanta (17/01/2016), isla markaana hakad galisay habsami-u-socodkii hawsha diiwaangelinta ee goobsaati, waxa xisbiga KULMIYE u arkaa mid carqalad ku noqonaysa fulinta diiwaangelinta iyo nabadgalyada bulshadaba.
Sidoo kale, ficillada fawdada noocani ahi waxay ka horimanayaan dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, sidaasi darteed, waa in xukuumaddu tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkan ka dhanka ah diiwaangelinta ka socotay ee deegaanka Hadayta. ”
Goobo ka tirsan deegaankan ayaa ka mid ahaa goobihii hore uga xayirnaa doorashooyinka iyo diiwaangelinihii hore, hase yeeshee bishan 9-dii ayaa kulan saddex geesood ahaa oo Madaxtooyadda ay ku yeesheen Komishanka Doorashooyinka, Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo iyo Xisbiyada Qaranka, lagaga hadlay sidii dadka deegaamadii doorashadda uga xayirnaa u heli lahaayeen xuquuqdii distooriga, isla markaana loo diiwaangelin lahaa, balse lama caddayn habka loo diiwaangelinayo maadaama muran ka taagnaa xuduudooda darteed horeba doorashada looga xayiray.  

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.