WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 18. 2016 (Saxafi) – Wefti ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu horkacayey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa Hargeysa ku soo laabtay xalay, kadib markii uu soo dhammeystay socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta doorashooyinka oo uu ku soo maray Gobollada Awdal iyo Salal oo qaadashada kaadhka laga bilaabay toddobaadkan gudihiisa.

Weftiga KULMIYE oo ka koobnaa hoggaanka Xisbiga, xubno Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno Baarlamanka, Golayaasha Deegaannada qaarkood ka socday, masuuliyiin kale iyo siyaasiyiin xisbiga ku abtirada, kuwaasoo muddo siddeed maalmood ah socdaal xidhiidh ah ku marayey deegaannada hoos yimaadda Boorama, Saylac, xeebta galbeed ee Somaliland ilaa iyo xuduudka Djibouti, si ay dadweynaha ugu dhiirrigeliyaan qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada bisha March, 2017, ayaa ku soo hoyday magaalada Hargeysa caweyskii xalay.
Weftiga oo socdaalkiisa u dambeeyey ka bilaabay magaalada Lughaya oo ay u hoydeen habeenkii Salaasadii, ayaa kadib xaflad ballaadhan oo shacabka ku dhaqani ku sagootiyeen, waxa uu kormeer ku maray deegaannada hoos yimaadda magaalooyinka iyo tuulooyinka kala ah; Riigga Kalowle, Gargaara, Tuurka, Garba-dadar iyo Cali-xaydh oo laga fulinayo hawsha qaadashada kaadhka diiwaangelinta codbixiyaha, kuwaasoo dadweynaha ku dhaqan soo dhaweeyeen masuuliyiinka xisbiga KULMIYE oo iyaguna goobo iyo fagaarayaal kala duwan hadallo ay uga jeediyeen uga mahad-celiyey qaabilaadda diirran ee ay kala kulmeen, isla markaana uga warramay ujeeddada socdaalkoodka oo ay ku sheegeen inuu daaran yahay wacyigelinta iyo xog-ogaal u noqoshada xaalada abaarta ee ka jirta dalka, gaar ahaan gobollada galbeedka oo ay ku daran tahay.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadallo u ujeediyey shacabka ku dhaqan deegaannada uu socodka ku maray, ayaa uga mahad-naqay soo-dhaweymo aanay u kala hadhin oo ku muujiyeen taageerada ay u hayeen xisbul-xaakimka iyo murrashaxiisa Madaxweynaha oo ay u ahayd markii koowaad ee ay la kulmaan tan iyo intii lagu doortay shirkii shanaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ku qabsaday Hargeysa dabayaaqadii sannadkii 2015-kii. Waxa kaloo ku boorriyey dadweynaha qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka oo uu ku tilmaamay inuu hiil u noqonayo qarannimada Somaliland deegaannadooda iyo taageerada ay xisbiga u hayaanba
Dhinaca kale, Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka kula dardaarmay illaalinta nabadgelyada, wadajirka iyo midnimada ummadda, waxanu isaga oo si gaar ah ula hadlayey dadka ku nool deegaannada Lughaya, Gargaara, Tuurka iyo Garba-dadar oo uu kula dardaarmay inay xalliyaan kala qeybsanaan dhexdooda taal oo uu xusay inay keentay khilaaf ku salleysan deegaan iyo wax kala sheegasho kala kaxaysay dad walaalo wada dhashay oo aan meel kala tageyn, waxaannu ballanqaaday in diiwaangelintani ka qabsoomi doonto lix goob-doorasho hoos yimaadda deegaannadaas oo muran dartii aanay wax coddeyn ahi ka dhicin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.