WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 19, 2016 (Saxafi) – Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland oo uu shirgudoominayey madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa shalay lagaga dooday sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jiraa.

Fadhigan golaha wasiiradda oo noqonaya kii 191-aad ayaa lagu Ansixiyay in Laamaha Dawladda laga jaro qaadhaan lagu kabo wax ka qabashada xaalada abaaraha ee dalka ka jirta.
Kulankaasi golaha Wasiirada iyo natiijadii ka soo baxay waxa war-saxaafadeed ka soo saaray afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax), waxaana warkaasi u qornaa sidan “Waxaa shirku xooga aad u saaray qodobka abaaraha oo wakhtigan taagan madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna gudoomiyaha Guddida Abaaraha oo madaxweynaha shirka ku wehelinaayey, ayaa warbixin ka jeediyey shirkaas, isagoo xusay in ay abaarihii sii baahayaan oo ay ku fidayaan dhul aanay hore u gaadhin oo horleh, hadii aan degdeg raxmaadka ilaahay inoogu imana ay arrintu sii adkaanayso, sidaasi awgeedna loo baahan yahay gurmad degdeg ah in loo galo waxka qabashada xaaladaa abaaraha, waxna loo gaadhsiin lahaa dadkaa iyo Duunyadaa tabaalaysan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in ay durba soo xeroodeen qaadhaan ka yimid shirkadaha ganacsiga ah ee wadaniga ah qaarkood, halka kuwo kale oo shirkadaha ganacsiga ahna uu qaadhaankoodu jidka ku soo jiro dhawaana ay filayaan.

Falanqayn dheer iyo xog waran ku saabsan xaalada abaaraha ka dib waxa laysla qaatay go’aamadan qadhaan ururintaa oo ay golaha wasiiraduna cod gacantaag ah ku ansixiyeen.
  1. In Xubnaha Saddexda golle Qaran ee Dalka iyo Madaxda Hay’addaha Dawladda ee Madaxa banaan ay bixiyaan 20% Mushaharkooda oo loo kala qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.
  2. In shaqaale weynaha Dawladda laga jaro 10% Mushaharkooda sidoo kalena loo qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016.
  3. Ciidamada kala duwan ee qaranka in laga jaro 5% Mushaharkooda loona qaybiyo labada bilood ee February iyo March 2016”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.