WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 19, 2016 (Saxafi) – Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Miino saarka qaranka Maxamed Axmed Xaashi Weere, ayaa Hay’adda Miinno saarka ee Halo Trust ku eedeeyey in baabuur magaca Somaliland lagu keenay ay doonayso inay Soomaaliya geyso.

Maxamed Weere ayaa sheegay in gaadiidkan magaca Somaliland lagu soo qaaday, isla markaana cashuur dhaaf loo sameeyey ay hay’addu waraaqo ka soo geysato Soomaaliya iyo maamulka Puntland si gaadiidkaasi ay jidka u soo mariso, waxaanu xukuumadda uga digay in aanay ka ogolaan in gaadiidkaasi loo kaxeeyo Soomaaliya oo mashruuca miinno saar ah ay ka wadaan.
Muj:Maxamed Weerre oo ka hadlaya Gaadiidkan ay hay’adda Halo Trust u wareejinayso Soomaaliya waxa uu yidhi“Gaadiidkani wuxuu ahaa markii horaba gaadiid u soo degay wadankeena oo cashuur dhaaf looga sameeyey dekada Berbera, waxa jira in halkan loogu tobabaro shaqaalihii koonfurta Soomaaliya ka shaqayn lahaa ee miinada ka guri lahaa, markii ay tobabarkii dhamaysteena Baladweyne dib loogu celiyey, Baladweyne waa goobta ugu horeysay ee Somalia ay ka doonayaan inay miino gurista ka bilaabaan, marka waxay sameeyeen khiyaamo gaadiidkii mashruucii Somaliland la siinayey iyo magaciisa lagu soo iibiyey ee loogu tallogalay inay Somaliland gaar u yeelato oo lagu shaqeeyo oo waliba baabuur qaali ah oo ay ku jiraan kuwii aanay xabaddu lareyn ayey dooneen inay Soomaaliya ku wareejiyaan, waliba uu ku yaalo numbarki casaa ee Hay’adaha loogu talogalay, waxaanay waraaqo ka soo samaysteen dawlada Soomaaliya, maamulka Puntland oo ay sii dhex marayaaan, Galmudug sidaasna ay doonayaan inuu ku tago Baladweyne, waxaanay Somaliland ka dhigeen maamul Soomaaliya ka mid ah, waxaa imika xafiiska Hay’ada Halo trust yaalla sideed number oo laga soo qaatay Soomaaliya oo la doonayo in marka xadka Somaliland ay ka baxaan lagu talaabiyo, oo Punland waxay la soo galeen heshiis cashuurtii jid marista way soo bixiyeen, nasiib wanaag markay islaahaayeen baxa ayey dawladdu dib u soo celisay, haseyeeshee waxa khalada waraaqdda u ogolaanaysa inay dalka ka bixi karaan oo Soomaaliya u talaabi karaan u sameeyey wasaradda Qorsheynta iyo wasaaradda Hawlaha guud. ”
Halo Trust Baabuurteeda SomalilandMar aanu waydiinay sababta keentay in gaadiidkii loogu tallogalay inay Somaliand lagaga shaqeeyo koonfur loo gaynayo waxa uu yidhi “dawladdu wax badan kama fahansana, haddii baabuurtan soomaaliya loo waday dee dekada Muqdisho ama Kismaayo ayaa laga soo dejin lahaa, laakiin baabuur cashuur dhaaf loo sameeyey oo magaca Somaliland lagu soo qaatay in soomaaliya lagu wareejiyo xaq maaha”.
Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa kale oo jirta marka hay’adu guurayso ee mashruucii ka dhamaado waxa gaadiidka iyo qalabka lagu wareejiyaa hay’adaha dawlada, waayo qalabkan waxa lagu keenay oo lagu soo iibiyey waa magaca Somaliland, waxaan kula talinaya dawladda in gaadiidkan inta xal laga gaadhayo lagu wareejiya Hay’adaha miinaadda Somaliland ee dawliga ah, hore waxa u gumaysatay shaqaalihii waana hay’adda kaliya ee ugu daran shaqaalaha si ka baxsan xuquuqda bani’aadankana ula dhaqanta shaqaalaha Miinada ka shaqeeya, waxaan leeyahay haddii hay’addu mashruuceeddu ka dhamaado Somalilnad waa inay gaadiidkan iyo kuwo kalaba ku wareejisaa hay;adaha miinno saarka dawliga ah”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.