WorldRemitAds
Dararweyne, Somaliland, February 18, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo ayaa shalay ka qayb gallay xidhitaanka tababar muddo ka socday dugsiga kuliyadda layliska saraakiisha ciidanka Militariga Somaliland ee Dararweyne.

Markii uu madaxweynuhu gaadhay Xerada Ciidamada ee Dererweyne waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Taangi biyood qaadi doona 150 Foosto oo halkaas laga dhisay, ka dibna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay Ceelasha biyaha looga soo qaado Dugsiga Layliska saraakiisha Cabdilaahi Askar ee Degmada Dererweyne.
Madaxweynuhu wuxuu warbixino ka dhagaystay Taliyaha Ciidanka Malatariga Sareeyo Gaas Ismaaciil Shaqale, isaga oo taliyuhu sheegay in ay qodeen saddex ceel oo hoosta isaga daloola biyahana geeya mastaafo dhan hal kiilomitir iyo badh (1KM1/2) iyagoo isticmaalaya Tamarta Cadeeda.
Intaas ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray, Mashaariic kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga kulliyada saraakiil ku xigeenada.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray Guryaha hurdada, Cuntada, xafiisyada iyo Qaybo kale oo loo dhisay dhamaan saraakiil ku xigeenada dugsiga iyo macalimiintooda. Waxaanu madaxweynuhu isla joobtaasi xadhiga kaga jaray Qasabadaha biyaha qaybiya oo looga talaalay Guryahaasi kaydka Biyaha Ciidamada.
Taliyaha Dugsiga Layliska Saraakiisha ee Dararweyne Gashaanle Sare Maxamed Cabdi Cali Shiine oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweyne waan kaaga mahadnaqaynaa inaad maanta noo soo xidho dufcad 3aad ee dugsigan tobabarka ka baxda sanadkan kana qalinjebisa. ”
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale, iyo wasiirka Gashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa iyaguna ka warbixiyey mashaariicda kala duwan ee ay ka fuliyeen dugsiga layliska ciidamadda militariga.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ciidanka ugu hambalyeeyey waxbarashaddan ay dugsigan ka qaataan iyo tobabarka, waxaanu u rajeeyey guul.
 “Duco-qabayaal Farxad bay ii tahay in aan idin kala soo qayb-galo munaasibadan qalinjebinta layliska saraakiisha, waxaanan idin ku hambalyenayaa waxbarashada aad dhamaysateen maanta. Mar labaad hambalyo ayaan idin leeyahay waxqabadka kale ee ay ka mid yihiin Dugsiga Cusub ee Saraakiil xigeenada loo dhisay”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
Waxaanu intaas ku daray “Waxaan idin leeyahay Hambalyo qaranka sida aad ugu adeegtaan, dedaalkana halkaa ka sii wada aniguna waxan idin la barbar taagnahay taageero buuxda. ”
Waxaanu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey tobankii sarkaal ee ugu sareeyey xaga waxbarashadda ka qaadanayeen dugsigan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.