WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 18, 2016 (Saxafi) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sunta dadka kaga ilmaysiisa kaga hortagay dad ku mudaharaaday oo ka soo horjeeday dawlada hoose ee caasimada Hargeysa oo meheradaha ku soo xad-gudbay wadooyinka duminaysay.

Booliska ayaa markiiba ku guulaystay in ay dadkaasi ku qanciyaan in ay isda-jiyaan, halkay qaybtii diidayn u adeegsatay suntan dadka kaga ilmaysiisa, iyaga oo ka duulaya si aanay goobta dhimasho u imanin, waxaana madasha shalay ka caaganayd xabadii ciidanka booliska lagu bartay in ay bulshada ku kala dareeriyaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shalay laga bilaabo bulshada ku dhaqan Somaliland loo adeegsan doonin xabad nool. looguna badali doono suntan dadka mudaharaadka damacsan lagu kala eryo, waxaana ciidanka booliska ku macneeyay mid bulshadood u danaynaya. “Ciidanka Booliska Somaliland waa kuwa Maalin kasta koraya, caqli ahaan, aqoon ahaan iyo darajo ahaanba, waxaanu ku dhiiri galinaa mar kasta iyaga oo taxadar muujinaya in ay bulshadooda u adeegaan, waxaana ku dhiiri galinaa in ay saaxiibka ugu dhaw bulshada ka dhigtaan, waxaana had iyo jeer ku dhiiradaan in ay muujiyaa feejignaan dheeri ah,” ayuu yidhi,
Taliyaha ayaa geesta kale sheegay in bulshadii ku dhimanaysay mudaharaadka hada laga gudbay, xabadii loo adeegsan jirayna hada laga gudbay, waxaana uu badka soo dhigay in bulshada hada laga bilaabo loo adeegsan doono suntan indhaha kaga ilmaysiisa, lagana guuri doono Xabadii noolayd. “Maanta waxaanu gaadhnay heer Ah inaanu bulshada iyo ciyaalka la khalday ee mudaharadka loo soo abaabulay aanay naftooda waayin, ciidan tababaran oo qalabkii mudaharaadka xidhan inay ka hortgaan, waxaanan mar kasta ku jirnaa sidii aanu ciidanka u dhisin lahayn, maanta ciidankaas ka hortagay rabashadaasi, waxa ay ahayeen kuwa tababaran oo fulinaya waajibaadka qaran ahaan iyo ciidan ahaanba saaran. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.