WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 19, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu shalay Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayey Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya Kenya Ambassador Reimi Marechaux oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socda Shirkada Bollore oo ka mid ah shirkado doonaya inay maalgeliyaan dekeda Berbera.

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka, iyo xubno ka mida golihiisa wasiirada ayaa markii uu dhamaaday waxa saxaafada la hadlay Wasiirkii hore ee Duulista imikana ah Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Faransiiska.

Wasiirka Warfaafinta Caddaani ayaa sheegay in madaxda Somaliland iyo weftigan Faransiiska ahi ka wadda hadleen sidii uu u dhexmari lahaa is kaashi, Islamarkaana ay wax badan isku aftagarteen, isaga oo aan faahfaahin ka bixini, waxaase uu tilmaamay in weftiga ay la socdaan Masuuliyiin ka mid ah shirkadda Boller oo danaynaysa in lagu wareejiyo Dekeda Berbera. “Kullanku waxaa uu ku dhamaaday is afgarad” Ayuu yidhi Wasiir Caddaani.
Sidoo kalle, Safiirka Faransiiska ee Kenya ayaan wax faahfaahin ah oo badan bixinin, waxaana uu sheegay in ujeedadoodu tahay sidii ay Somaliland isaga kaashan lahaayeen arrimo la xidhiidha dhaqanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu tilmaamay inay weheliyaan madaxda Shirkada Boller, sidoo kale waxaa uu sheegay in Farance ahaan ay danaynayaan ama ay horeba uga shaqeeyeen oo ay qayb ka qaateen daahfurka Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland oo ay ka mid tahay goobta lagu magacaabo Laasgeel oo uu sheegay in ay ka wadda shaqeynayeen 2002-dii illaa iyo 2011-kii. Sidoo kale, waxaa uu ku dooday in dalkiisu horumarinta dhaqaalaha Somaliland door ku leeyahay sidda Shirkada SPI ee sharaabka oo uu sheegay inay taageero ka geysteen.
Laakiin, Safiirka iyo Wasiirka midna ma sheegin in go’aan kama danbays ah la iskula qaatay mustaqbalka dekeda Berbera iyo Shirkada Bollore.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.