WorldRemitAds

Dhaqanka Qofka iyo qaabka ay Shakhsiyadiisu tahay waxa laga dheehan karaa oo lagala soo dhex bixi karaa, cadooyin iyo ficilo badan oo uu qofku sameeyo, tusaale ahaan qaabka uu u hadlo, u qoslo ama dareenka uu ka bixiyo dhacdo soo waajahday.

Haddaba khabiir u dhashay dalka Faransiiska oo ku xeel dheer cilmi nafsiga, “Psychology” oo lagu magacaabo Joseph Messeger ayaa soo saaray, baadhitaan uu muddo dheer waday, kaas oo uu ku kala dhig dhigay hababka ay dadku u qoslaan iyo sida ay muujinayso dabacadahooda ama dhaqankooda oo laga akhrisan karo shakhsiyada qofka marka uu qoslayo qaabka uu u qoslo.

Dhamaanteen waxa aynu og nahay in qof walba si u qoslo oo aanu qofna qof la qosol ahayn, tusaale ahaan waxa jira dad marka ay qoslayaan gacantooda saara afka ama qariya in la arko qosolkooda, dadkaas waxa uu khabiirkani ku sheegay in ay yihiin, kuwo aan kalsooni badan qabin, oo canaan ka yaab ah, khajilaadina ku jirto, waxaanu tusaale u soo qaatay hablaha gashaantimaha ah iyo dhalinyarada ardayda ah, oo intooda badani adeegsada ama u qosla habkan, kuwaas oo ay ugu wacan tahay ama dhaqan ahaan in lagu tarbiyadeeyay ama cabsi macalimiinta iyo waalidku sareen ka dhalatay.

SomlegalAds

Waxa kale oo jira dad qosla iyaga oo afka isku haya oo aan marna ilkahooda la arag, kuwaas oo hasa yeeshee la arko jidhkooda oo ruxmaya ama dhaq dhaqaaqaya qosolka awgii, dadka noocaas u qosla ayuu khabiirkani ku sheegay in ay yihiin, dad aad u liita oo aan lahayn go’aan qaadasho dhab ah haddii arrimuhu ku adkaadaan.

Dadka inta badan marka ay qoslayaan kor u dhawaaqa ee afka kala waaxa, dhag dhagta qosolkoodana meel durugsan laga maqli karo, ayuu khabiirku ku tilmaamay in ay yihiin kuwo cidhiidhi iyo cadaadis badan ku soo koray oo sidii qof xornimo helay oo kale uu ka dhigan yahay.

Dhinaca kale khabiirkan reer Faransiis ayaa ku tilmaamay dadka marka ay qoslayaan hoos u foorarsada ee waliba garbahooda ku qooraansada, kuwo caadifiin ah oo wixii naftooda ka soo go’a ku dhaqma, waayo waxa dadkan jiidanaya qaybta dareenka ee wadnahooda.

Dadka marka ay qoslayaan eega dhinacooda danbe ama dib u qooraansada xagooda danbe ayuu khabiirku sheegay in ay yihiin, kuwo leh hogaamin, dadkana kasban kara, isla markaana ah kuwo gor gortanka iyo isu hanbaynta ogol oo wax lala qaadan karo.

Sidoo kale qofka marka uu qoslayo laga yaabo in uu mararka qaarkood, gacmihiisa saaro xiribaha korkooda ama laga yaabo in uu madaxa salaaxo ayaa ah sida uu khabiirkani aaminsan yahay, kuwo aan dareemayn raaxo, culays iyo cadaadis badanina uu saaran yahay.

Qofka marka uu qoslayo dhoola cadeeya qofka uu la hadlayo ama hor joogana toos ugu jiheeya indhihiisa, waxa uu yahay, qof kalsooni badan, awoodna u leh in uu is difaaci karo, qofka noocan oo kale u qoslaa, waa mid go’aan adag, kuna dhegan aragtidiida oo aan la loodin karin, ma aqbalo in laga badin karo, gorgortankana ma yaqaano.

Haddaba khabiirkaasi waxa uu ku soo gaba gabaynayaa baadhitaankiisan in qof walba u fiirsado sida uu u qoslo, ama saaxiibkii iyo qofka rafiiqiisa ahi u qoslo, ka dibna ka dheehdo dabeecadihiisa iyo guud ahaan sida uu dhaqankiisa shakhsi yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.