WorldRemitAds
Berbera, Somaliland, March 5, 2016 (Saxafi) – Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf Casayr oo ay maalimihii ina soo dhaafay dabley hubaysani ku dileen tuulada Biyooley ee gobolka Saaxil ayaa shalay aas-qaran loogu sameeyey magaalada Berbera.

Waxaana aaska marxuun taliye Casayr ka qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka socda xukuumadda oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxda Xisbiyada, Goleyaasha Qaranka, Madax-dhaqameed iyo kumanaan dadweyne ah..
Jawiga magaalada Berbera ayaa hada ah mid aad u degan kadib markii habeen hore ilaa shalay ciidamada Booliska Somaliland ku guulaysteen inay soo qabtaan 11-kii nin  ee dableydii dilka u geysatay Taliye Casayr.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.