WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 2,2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa wax laga waydiiyey sida uu arko heshiishka maalgelinta dekedda Berbera ee dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo DP World, doodda la galiyey maalinta qaranimadda 18 May iyo arrimaha doorashooyinka soo socda.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa soo dhaweeyay heshiishka maalgashiga dekadda Berbera. Sidoo kale, waxa uu guddoomiyaha Guurtiddu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in doorashaddu wakhtigeedda dhacdo, isla markaana dadweynaha dib loo waydiiyo madaxda ay doonayaan inay dalka sii hogaamiso.

Ugu horeyn gudomiyaha oo ka jawaabaya maalgashiga dekadda Berbera iyo heshiishka lala galay shirkadda DP Wolrd ayaa yidhi “Anigu waxa ilaahay soo kordhiyey oo deeq alle ah kama cawdo dadkuna kama cawdaan, dawladuna heshiis bay gashay, mid wax tar ah ayuu iilla muuqdaa, walina dhaqan gal muu gaadhin ee ha la sugo midho dhalkiisa,”

SomlegalAds

Mar wax laga waydiiyey siyaasiyiinta qaar oo sheegay inay dood ka qabaan 18 May inay noqoto maalin qaran iyo in ay ka mudan tahay 26 June, waxa uu yidhi “Maalin qaran ayeynu leenahay, maalinta qaranku waa 18 May, lix iyo labaatanka June maaha, taariikhda 26 June waynu xusaynaa waana maalih qiimo leh, laakiin 18 may ayaa ah maalintii qaranimadda Somaliland”.

Mar kale waxa laga waydiiyey arrimaha doorashooyinka oo laga cabsi qabo inay dib u dhacaan ayaa waxaa uu yidhi “Doorashaddu waa inay dhacdaa,tii madaxweynuhuna waa inay dhacdaa, isaguna (Madaxweynaha)  isagoo dhaaranaya oo leh maalin la iigu dari maayo waan maqlayey, waan ku bogaadinaynaa, ta goluhuna waa inay dhacdaa”.

Sidoo kale, gudoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in Cali Khaliif Galaydh aanu dalka waxba yeeli Karin, balse ay mudan tahay in laga reebto dadweynaha uu ku dhex dhuumanayo “haddii muwaadiniinteenii inaga cabatay ilaahay ha inoo soo hadeeyo, Cali Khaliifna waa ninkaasi banka iska meeraya oo wax badan oo hadda uu ina yeelayo ma arko, laakiiin dadka ayaa lagala hadhayaa, maalintii Burco iyagaa ku dhowaaqay (reer Sool) beelahan dhexe iyagu kuma aanay dhowaaqin, ta labaad inta aan Somalilnad ogolayn waxa ka badan inta ogol”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.