WorldRemitAds

Ku Darso Ogaalkaaga, in marka qofku hurdo qaybaha dareenka urtu, gabi ahaanba shaqada joojiyo oo aanu shaqayn.

Ku Darso Ogaalkaaga, in haddii Riyadu kugu badan tahay, aad ka mid tahay dadka ugu fahamka iyo garashada wanaagsan, sida baadhitaano badan oo lagu sameeyay aadamigu tilmaameen, dadka marka ay hurdaan aadka u riyooda inay aad u maskax wanaagsan yihiin.

Ku Darso Ogaalkaaga, in baadhitaano badan oo lagu sameeyay lagu ogaaday in indhaha aadamigu maqluub ahaan wax u arkaan, laakiin qayb maskaxda ka mid ahi ay sida caadiga ah ka dhigto, haddii qaybtaasi shaqada joojisana, qofku wax walba maqluub u arki lahaa, waxaana xaaladaasi dadka qaarkood arkaan, marka dhiigu ka yaraado ee qaybtaasi yara gaabiso.

SomlegalAds

2Ku Darso OgaalkaagaKu Darso Ogaalkaaga, In xajmiga Maskaxda aadamigu boqolkiiba labo ka tahay guud ahaan qiyaasta jidhka ama miisaankiisa, haddana ay isticmaasho boqolkiiba labaatan ka mid ah, neefta Oxygen-ta ee jidhka, boqolkiiba shan iyo toban ka mid ah garaaca wadnahana iyadu sabab u tahay.

Ku Darso Ogaalkaaga, In sababta marka qofku qadh qadho uu ilkaha iskula dhaco, xiliyada qabowga dhaxanta, uu ka dhasho ama ay keenaan hormoonada (Irisine), oo ah kuwa baruurta iyo subaga ku jira, jidhka ka sameeya difaaca qabowga ka difaaca, waxaana ilka isku garaacistu calaamad u tahay in hormoonadani hawl gal ku jiraan.

Ku darso ogaalkaaga, in cayayaanada ilmi ma aragtayga ah, ee maqaarka jidhka aadamigu ku nool, bilyano tiradoodu ka badan tahay, qiyaas ahaana baadhayaashu ku tilmaamaan in aadamiga ay ka tiro badan lahaayeen, inta hal qof oo kaliya maqaarka jidhkiisa ku nooli, haddii la tirin lahaa.

Ku darso ogaalkaaga in dhididka jidhka aadamigu aanu markiisa hore ur lahayn oo uu dareere caadi ah yahay, laakiin marka uu jidhka dusha uga soo baxo, ay ku dhex darsamaan, cayayaanada ama jeermiska jidhka ku dul nool, ka dibna urta kulul ee dhididku samaysanto.

Ku darso ogaalkaaga, in si aad u ogaato, nooca codkaagu yahay ama dadka kale ku maqlaan, waxa dhegtaada bidix aad saartaa gacantaada ka dibna dhegayso, waxa aad u si fiican u ogaan doontaa codkaagu sida uu yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.