Maxaa Kaa Khaldan?

0
38
PropellerAds
Maxaa Kaa Khaldan? Maaha su’aal aan adiga imika ku waydiinayo, jawaabteedana aan kaa rabo. Laakiin waa su’aal innoo wada wanaagsan in midkasta oo inagga mid ahi gaar ahaantiisa isku waydiiyo. Mid kastoo inaga mid ah markaan leeyahay waxaan u jeedaa dadka inta si sababaysan iila qatba weedhan oo ah (qofna dhamays maaha).

Adoo xisaabta boqolayda qiyaas ahaan ku xisaabinaya, xaqiiqadana aan is diidsiinayn, dadka kuwo aad istaqaannaan iyo kuwo dushaa kaa yaqaanaba isku daroo bulshada intee ayay ka yihiin inta si kal iyo lab ah kaaga raalliya ee guushaada jecel guuldarradaadana neceb, agtoodana aan lagugu xaman? Waayo?
Bulshada intee ayay ka yihiin dadka saaxiibtinnimada idinka dhaxaysaa ay dano ku salaysan tahay, balse aanay jirin lexojeclo intaa uga danbaysa oo ay kuu qabaan? Waayo?
Maqaal-logo2Bulshada intee ayay ka yihiin dadka guuldaradaada, gumaradaada, gubashadaada, goohaaga, ganistaada, jabkaaga, ceebtaada, ciilkaaga, cambaarayntaada, dhibtaada, dhaliishaada, dhaawacaaga, xumaantaada iyo xantaada ku diirsada kuna doogsada? Waayo?
Bulshada intee ayaa xanta ayku xantaan ee warkeedu kusoo gaadho aad ku ogaataa nacaybka ay kuu hayaan balse aan toos kuugu muujin? Waayo?
Bulshada intee ayaa si badheedha qowl iyo ficilba kuugu muujisa nacaybka ay kuu hayaan ama adigu aad u muujisaa?  Waayo?
Bulshada muddo intee le’eg ayaad cecelis ahaan isku dhacdaan marka laga soo bilaabo xilliga aad is barateen? Ma marka aad sidaa isku barataanba, ma maalmo ka dib, ma bilo ka dib mise markaad muddo dheer isku xidhnaataan? Waayo?
Bulshada intee ayaad isku dhacdaan maalintiiba, toddobaadkiiba, bishiiba ama sanadkiiiba.? Waayo?
Dadka inta ugu badan muxuu yahay waxaad isku qabataan, iskugu dhacdaan ama ku collowdaan? Waayo?
Dadka kuwo aad is disheen iyo kuwo collaadi ama nacayb idinka dhexeeyso dhamaantood markaad dib u eegto wixii aad isku qabateen, ma waxaad aaminsan tahay inaad ka wada saxsanayd oo mid waliba kaa gardarnaa? Waayo?
Bulshada dad intee leeg ayaa idinkoo waxyar  isku jiidhay colaadiinnu maalinkasta sii tarantaa oo ay noqotaa mid ka ballaadhan halkii ay ka bilaabantay iyo wixii ay ka bilaabantay? Waayo?
Horta qofka geesiga ah ka astaamehee leh ayaad u taqaannaa? Waayo?
Horta qofka jilicda san qofka astaamehee leh ayaad u taqaanaa? Waayo?
Su’aalahan jawaabahooda adoo kaligaa ah naftaada si sugan ma ugu sheegi kartaa mise way kugu adag yihiin jawaabaha qaarkood? Waayo?
Abuurka dadka waa mid kamida mucjisooyinka alle. kala duwanaanshaha abuurka dadku waa in muuqata ama la dareemo iyo in la fahmo. Inta muuqata way fududahay in aynu isla garanno, oo waxa tusaale kuugu filan in hadii aniga oo siddiiq burmad ah aad iragtay aad ogaato inaan gaabanahay ama dheerahay, inaan dhuubanahay ama buuranahay, inaan casahay ama madoobahay, inaan afgaabanahay ama hadal badanahay, inaan foolxumahay ama quruxbadanahay. Waxase laga yaabaa inay kugu adkaato inaad garato abuurka qof aad aragtay intiisa qarsoon ee aan aragga iyo maqalka lagu qiimayn Karin balse fahanka u baahan. dhibtuna taas ayay ka joogtaa.
Hadii dadka marka la qiimaynayo lagu kala jeclaysto intooda la arko ama la maqlo, oo foolxumadu ay foolxumo ku tahay , quruxina qurux ku tahay, waxaa iyana ka mihiimad ballaadhan kala duwanaansha aadmiga intooda aan la arkin lana maqlin ee fahanka u baahan in lagu kala qiimeeyo laguna kala jeclaysto.
Maxaa kamida inta fahanka lagu garto?
Mararbadan waxaad tidhaahdaa hebel waa fariid, hebel kale waa nacas, heblaayo dulqaad badanaa, kaasi waa mid dabeecad xun, qof wanaagsan ma tihid, anigu waan calool adagahay, ninkaasi waa car itaabo, waa qof iska xidhxidhan, waxkastoo dhaca isagu kaa cadhoon maayo, kalmadda uu qoonsado waligii ma illoobo, dadkoo dhanbaa wada jecel, fartaa gaadha, waa jacjacoor, waa nasab, dadkoo dhanbay iswada haystaan. Waa mid bilaa macni ah, saaxibul caqli ayaad tahay, waa gabadh aad u daggan, dabeecadda ayaan ku jeclaaday, waa bilaa dhiig, ma diiro, waad indho adagtahay, waa bulshaawi, waad gocasho badan tahay, intaasaad ku xumaatay, soo anaani maaha, aduunbaa isla saxsan, waa qof qalbi xaadhan, qof kasta wuu ka cabanayaa, waa qoys fiican.
Hadaladaas marka aad leedahay waxaad qiimaysay abuurka qofka ama dadka aad wax ka sheegayso intooda aan la arkayn ama aan la maqlayn. Markaas waxaa mihiima uun in aad iska hubiso in qiimayntaadaasi xaqiiqada ku salaysantahay. Qiimayntaadu way sugantahay hadii aad si dhaba u fahantay abuurka qofkaas ama dadkaas inta fahanka lagu garto. Hadii qiimayntaadu aanay sababayn lagu qanco lahayn ma sugna. Hadii qiimayntaadu noqoto midaan sugnayn adaa qiimayn u baahan inaad isku samayso ee maxaa kaa khaldan?
Maskaxdeena laba dareen oo ay leedahay ayaa midi yahay ka aad ku garato inaad u baahan tahay hurdo, inaan sidiiq ahay, inaan saaxiibkaa ahay, inaad shaqo tagto, in dagaalku xun yahay, in sinnadu xaarraan tahay, inaad hebel booqato, inaad dabka ka baqto iwm. Dareenkaasi maskaxeed ee aad intaas ku garataa waa mid xaqiiqada ku salaysan, waana ka inta badan inna shaqeeya ee inaan wax kala fahanno inoo suura galiya.
Dareenka labaad ee maskaxdeennu leehay waa caadifad ama kacsanaan. Dareenkani waxa uu aad inoo shaqeeyaa mararka qaar oo ay xaalado gaar ahi inala soo gudboonaadaan.
Labadan dareen ee midna caadifada yahay midna yahay kan aynu wax ku fahanno go’aanada aad arrin kaga falcelinayso ma wada gooyaan ee mid uunbaa falcelinta go’aankeeda yeesha. Ka markaas go’aamadaadu kazoo fulayaan markaa waaka kolba ku shaqaynaya ee awoodda badan.
Dareenka maskaxda ee caadifadda ahi haduu inna kaco dareenkii caadiga ahaa ee aynu wax ku kala garanaynay ma shaqeeyo oo kanaa meesha ka saaraya. Hadii dareenka kacsan ee maskaxdaadu ka awood bato dareenkaaga caadiga ahna waxaad ku hadasho iyo waxaad samaysaaba maaha mid xaqiiqada ku salaysan.
Inaanay hadalka iyo ficilka aad samaysay wakhti dareenkaaga kacsani shaqaynayay aanay saxnayn, oonay sugnayn, xaqiiqada aanay ku salaysnayn waxaad ogaataa marka uu dareenkaasi dago ee uu dareenkaaga maskaxeed qaybta dagani shaqada kusoo noqoto.
Tusaaleyaal kooban oo innoo iftiiminkara in marka dareenka caadifadu inna shaqaynayo waxa aynu samayno iyo waxa aynu ku hadalnaaba aanay ahayn wax sugan oo xaqiida ku salaysan aynu wada eegno.
Qof qofkale si badheedha u dilay ma aragtay ama ma maqashay?
Marka uu usii socdo qofka uu soo dilayo aad ayuu u dhiirran yahay, waxaanu u dagdagayaa inuu hore usoo qaato hubkii uu qudha kaga jari lahaa. is hubayn ka dib waxa uu usoo tallaabeeyaa haddaanu usoo ordinba dhanka qofkii uu rabay inuu dillo. siduu ugu soo degdegayo waxaad mooddaa inuu ka baqayo inuu fursad qaaliya lumiyo. Hadii cidi istidhaa ka baajiya falka uu rabo inuu sameeyo ma yeelo mana fahmo waxa ay u sheegayaan. Muxuu cid fahmaa illeen kaliya waxa uu maqlayaa oo uu dareemayaa kaliya waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaya. Qofkaasi markuu soo dilo qofkii uu rabay inuu soo dilo ka waran xaaladiisa? Maxaa iska badalay? Muxuu u naxaa? Muxuu u baqaa? Muxuu u warwaraa? Muxuu u qoomameeyaa falkii uu samayntiisa aadka iyo aadka ugu qanacsanaa?
Wax kale maaha ee markan dareenka maskaxda qaybtii kacsanayd ma mashaqaynayso oo waxa dib usoo noqotay dareenkii maanka ee markii hore la afganbiyay. Imika wuxuu fahmayaa ugu yaraan in dilka uu gaystay dhibta isaga kaga imanaysaa ay ka wayntahay wixii qofkaas ay isku hayeen, imika wuxuu garanayaa in loo dilayo ama aakhiro la cadaabayo, imika wuxuu garanayaa inuu ajasha ka jaray nin toban caruura aabe u ahaa oo uu agoon ka dhigay, imika wuxuu garanayaa inuu ninka walaaladii iyo tolkii joogaan oo uu godobaysan yahay. Intaaba markii dareenka shucuurtu shaqaynayay muu garanayn.
Wali isaga ma aragtay qof jecel qof kaloo isaga neceb. hadii la diiday muxuu uga hadhi waayaa?
Si kastoo loo qanciyo, loogu dhaga hadlo, dhabada looga leexdo, tilifoonkiisa looga dhaco, kulankiisa loo dhibsado oo warkiisa loo dhigdhigo uma dhaadhacsana qofka wax jecel waxaasi. bahdilaada haysata kuma baraarugsana, baryootanka qof aan rabina maalin kama baaqdo. waa qof ay meel kaga dhagtay oo maskaxdiisa wax kale kuma soo dhacaan, waxba kama dhiidhiyo, oo dhiig iyo uus toona maleh ayaa layidhaahdaa. isna waa dhibbane, qofka uu jecelyahayna waa dhibbane oo waxaa dhib ugu filan qofkan ku dhaggan ee dhanna uga leexanla. Dhibta uu qabo iyo ta uu gaysanayo qalbiga wax jeceli midna awood uu ku baajiyo malaha, tagna kuma tago. Hadda garo oo qofkaasi ka hor intii aan jacaylku ku dhicin sidan muu ahaan jirin, dabeecadanna ma lahaan jirin, fiicilada noocan ahna dadka kama yeeli jirin. Isbadalkan ku yimi waxa u sababa dareenka maskaxda ee shaqaynaya ayaa ah ka caadifada, inaad qof jeceshahay dareenka kuu sheegayaa waaka caadifada een xaqiiqada waxba ku salayn. Taas macneheedu waa in jacaylka laftiisu caadifad yahay ee aanu ahayn wax rasmiya oo xaqiiqada ku salaysan.
Marar badan oo qofka wax jeceli ka fikiro inuu iskaga hadho qofkan uu jecel yahay ee kasii jeeda ayaa jira. waliba markaas waxa hor yimaada inta hadal xumo, dhaga hadal iyo naxariis darro uu kala kulmay qofkan uu ku dabo daalay, markaasuu isku boorriyaa inaanu dib ugu noqon una wicin tilifoonkiisa ama tilifoonkeeda. Arimahaas marka uu ka fikirayo waxa muuqata in qaybtii maskaxda ee macquuliyada wax ku qiimanaysay si suganna wax loogu kala garanayay ay shaqaynayso, qaybtii caadifaduna hoos u dagtay. waayo labadaas dareen ee maskaxdu mar wada shaqayn karaan ee miduunbaa hogaanka maankaaga hagaya. Dhibtuse waxay ka joogtaa caaddifada jacaylku way ka wakhti dheertay kana badan tahay caaddifadaha kale ee aadmiga lasoo gudboonaada. kuwa kale waa muddo gaaban sida cadhada, farxadda, hammada iwm. Fikirkaa sugan falanqayntiisa inyar ka dib kiiba maaha qofka wax jeceli oo dareenkii caaddifaddaa shaqada maskaxdiisa la wareegaya, markaasuu is arkayaa isagii oo heblaayo ama hebelkii imika uun uu ka tashanayay ku mashquulsan ka fikirkiisa amaba nambaarkiisa ama namberkeeda garaacaya. Hadaba mushkillada haysata qofka wax jecel markaad dhanwalba ka eegto waa qof aanay garaadkii fahanku shaqaynayn ee caadifadi hagayso.
Dareenada caadifadu ficillada ay qofka galiyaan ama dabeecadaha ay u yeelaan oo badan koodu aanay wanaagsanayn masoo koobi karno oo waxa kaloo kamida xaalladaha ay ku sugan yihiin laba qof oo wada hadalkoodu aanu dood iyo falanqayn ahayn ee uu muran yahay. Mar hadii sheekadoodu muran tahay waxa xaqiiqa ah in midkood ama labadooduba isdiidsiinayaan xaqiiqooyin ku saabsan arrinka ay ka hadlayaan.
Waxaa kaloo kamida gacan ka hadalka ama dagaalka laba qof ama in kabadan dhexmara.
Waxaa kaloo kamida faqa xanta iyo ka sheekaynta xumaanta qof kale ama dadka ku saabsan.
Waxaa kaloo kamida gocashada iyo caloolxumada maankaaga kusoo noqnoqota eed ka seexan waydo.
Waxaa kaloo kamida gardiidnimada kaa muuqata marka adiga iyo qof kale arrintiina cid kale waddo
Waxaa kaloo kamida hanjabaadda, hatigaadda, galiilyada, dareenka galmada, iyo qiirada waxaad dhagaysato ama aragto ay kugu abuuraan.
Marar kooban ayuu mihiim yahay dareenka caadifaddu inuu ku shaqeeyo sida qushuucda looga baahan yahay inaad dareento markaad dikriyayso, quraan akhris ama salad ku jirto, markaad galmo xalaala ku jirto, marka aad aragto dhib ama xaalad laga damqado oo cid haysata oo mudan in aad halkiisa is gaysto si ay u timaado inaad u naxariisayo iwm.
Hadaba ta mihiimka ahi waa  in marka xaaladaha qaar ay innala soo gudboonaadaan aynu maskaxdeena ku ilaalino in dareenka qiimaynta sugani hogaamiyo oo caadifadu aanay hoggaanka maanka la wareegin….
La Soco cadadka danbe

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.