WorldRemitAds

Tukaraq, Somaliland, July 14, 2018 (Saxafi) – Cabdicasiis Cumar oo ah arday 14 jir ah oo dhiganayay fasalka sideeddaad ee dugsiga hoose/dhexe ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaan gelin imtixaankii sanad-dugsiyeedka 2017/2018. Dugsigiisa ayaa u xidhmay colaad u dhexeysa Somaliland iyo Puntland oo ka jirta deegaanka.

850 arday oo ku waxbarasho beelay colaadda ayay ka mid yihiin Cabdicasiis iyo saddex la dhalatay oo iyaguna dhiganayay dugsiga hoose ee deegaanka.

SomlegalAds

Tuulada Hadhwanaag oo 45 km bari ka xigta Tukaraq ayay barakac ku yihiin qoyska Cabdicasiis muddo labo bilood ah.

Amran Xasan Maxamed oo ah Cabdicasiis hooyadii ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay waxbarasho la’aanta soo food saartay ubadkeeda, gaar ahaan Cabdicasiis oo sanadkan ay u dhammaaneysay fasalka u dambeeya ee dugsiga dhexe.

Tuulada ay u barakaceen mala dugsiyo ay carruurteedu ka sii wadan karaan waxbarashada. Inkasta oo qoyska Cabdicasiis ay ka soo tageen dhammaan wixii hanti ahaa ee ay lahaayeen haddana kama soo tegin buugaagtii uu wax ku baranayay. Wuxuu niyadda ku hayaa in mar un uu heli doono fursad uu ku galo imtixaankii dhaafay.

Shan dugsi oo ku yaalla Tukaraq iyo tuulooyinka Higlo, God-qaboobe iyo Faliidhyaale ayaa waxaa ardaydii wax ka baranayay looga saaray cabsi ka dhalatay waxyeello ka soo gaadha colaadda u dhexeysa labada dhinac.

Ardaydan ayaa qoysaskoodu ula barakaceen deegaannada Kursudubay, Daldhac, iyo Hadhwanaag. Laakiin waxaa jira qaar ka tirsan qoysaska oo aan ka bixin deegaanka. Dadkaas waxaa ka mid ah Seynab Cali Ciise oo labo wiil oo ay dhashay oo sanadkan dhammeyn lahaa fasalka afaraad ee dugsiga dhexe ay hadda waxbaraho la’aan yihiin.

Seynab ayaa sheegtay in labadeeda wiil ay maalintii u daawasho tagaan ciidamada deegaanka jooga, taas oo ka dhalatay waxbarashadii ay ku mashquuli jireen oo meesha ka baxday isla markaasna ay uga cabsi qabto inay ku biiraan ciidamada iska soo horjeeda.

Colaadda ayaa sidoo kale saameysay 23 macallin oo bareyaal ka ahaa dugsiyada xidhmay, waxayna dhammaantood qoysaskooda ula barakaceen deegaanno ka baxsan halka ay ciidamadu isku hor fadhiyaan.

Guddoomiyaha waxbarashada deegaanka Tukaraq Maxamed Faysal, ayaa sheegay in xilligan aanay suuragal ahayn in ardaydu ay galaan imtixaankii sanad-dugsiyeedka. Wuxuu tilmaamay in guddiga wax barashada ee deegaanku aanu awoodin inuu imtixaan ka qaado dhammaan ardaydii dugsiyadu ka xidhmeen, maaddaama ay qoysaskooda ula barakaceen deegaanno kala duwan.

Colaadda Tukaraq, waxaa ku barakacay 12,500 oo qof sida uu sheegay xidhiidhiyaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq, oo horraantii bishan July warbaahinta la hadlay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.