WorldRemitAds

Saddex baa dilaya Somaliland! Kob calleen leh ka soo dudurdurrin meyso, una rarimeyso Siyaasadda foosha xun ee yaqyaqsiga badani Ummaddan reer Somaliland ee Dagaal ka soo kebbadka ah ee yayabka suuf iyo xanjo isu geeda ku dhisaneysa noloshana maanta Adduunweynahana Casriggan ku kala  tegey Talladda iyo Tilmaanta Hoggaammiyaasha u hurraaya dadkoodda naftoodda iyo maankaba,kuwaasoo ku saleynaaya waxqabadkoodda Tiknoolajiyada(Farsamadda) circa ku libidhey ee Rayi’I iyo rug kaste haggeysa.

Golayaasheenna Sharci’ dejinta iyo intooda Maamul socodsiinta, ku daroo ilaa Sartoodda hoose ee u dhisan inay Xeerka sanduleeyaan horena u mariyaan, malaha uma muuqato dhacdooyinka laga yaxyaxo ee had iyo jeer lagula kaco “SALAADDIINTA, BOQORRADA, NIN DOORKA DALKA”, kuwaasoo mar kaste la isu taago “GEGGOOYINKA DAYUURRADDAHA” (Our Airports and other inlets) iyo marrinada kale ee Dalka ay cid walba ka soo gashey, eel eh Marti,Maddax Ajaannib ah, Magan iyo Mid u dhesheyba. Waxa la yaab iyo Aggagax ah in lagu jebbiyo Kettinnad, laguna Gacan saaro laguna aflagaadeeyo madax dhaqmeedka, nin doorka iyo qaar badan oo inagaga duwan fikirrigga siyaasigga ah ama mid kaste oo wax inaga sheegga dal ahaan ama muujiyo waxyaabo laga yaabo in aynaan oggaanba bulshaddeenu Diplomaasiyadda awgeed.Tolow! Miyaaney ceeb iyo dhaqanxummo maddaxan Dalku u arkeen qofkan ay isu taagayaan Musaafurkan aan xaaskiisii weli gaadhin,aan daalkii iyo diiftii socdaalka ka meydhan, ee aan carruurtii qarankan udhalatey isaaga oo aan Aabahood ka farxin, isaga oon gaadhsiin hadiyadiyhii iyo waxuu ciyaalkiisa iyo Oorriddiisa u siday. Ka sii darane isaggoon iska salliman oo aan gaadhsiin ehelkii iyo asxaabtiisii waxii uu “AMMAANOOYIN” u sidey in toos ay Masuulliyiinta qarankani ugu taxaabaan, oo ay weliba  talo xummaantooda cidhibteeddu tahay uurxummadda iyo collaadda dadkeenna dhexddeeda ay warbaahinta kaga maddiixaan. Tanni waa nin madhan oo faaruqa hoggaammintii, waa marrin habbaabiye da”yarta siyaasiinteenna berito dalka u hanqal taagi donna,ayadoo umaddana siddoon iyo si ka sii xun u hoggaamin marka uu milgaha iyo dhaqanku sii liinbaxo ee uu sii khafiifo.

Muwaadin kaste, eedeyntiisu waa arrin kale, waxase, dhaawac aad u weyni ka muuqdaa, meelka dhac dadnimadda qofka caaddigga ah,kanaan hoodda lagu arkeen,kanku soo jeedda tartanka siyaasadda dhinaca kale iwm. Annigu waliba nin baan ahayow, waxaan in badan kala meermeeray Afka iyo qallinkaba in aan si tolnimo iyo Somaalinimo ku jirto ama “SOMAALILANDNIMO”, haween iyo raggiina ee aanu u dooranay hoggaanka dalkow. In aan idiin sheego oon idin idhaahdo.”Waar marka hore muwaadinka haddaad wax ku haystaan maangal ah,ha isu taagina garoonkee marka uu loxos baxo, oo uu maydho oo uu nasto,waaran sharci’yeysan ku soo xidha”Waxa kale, oo aan idin kula talin lahaa   “inaad joojisaan SIYAASADDAHA QAADUCU DARIIQA”   ee ah ninkeedda cuntadda, Budhac garoomeedka,taasoo huwan dheg xummaddeenna, ee ah dad iyo dan kalafogeysta, lagula soo kacayey Siyaasinteennaa,Sallaadiinteenna,BOQORRADEENNA Iyo dar kaloo badan oo ku sifoobey ragganimo in qaran Soomaallandinimo iyo han siyaasadda hoggaanka isku keenka ehello is diley,degmooyin iyo ooddo kala cadhoodey”.”Xinniinni xigto ayey eedey” “markuu dhinto nin raggeedkeennuu, ha ammaanine’ oo si weyn yeynaan u aasin, inta uu noolyahay wax kale yeynaan u tarine’. Ma isku deynaa in aan karaameyno,si aan u ilaashano dunta gobbanimo ee isirnimo, tan la inooga yaqaano gobolka GEESKA AFRIKA iyo in ballaadhan oo ka tirsan ADDUUN WEYNAHA”    “Alle Garasho toosan, ha idin waafajiyo.”

SomlegalAds

Gabagabadii waxaan leeyahay, SADDEX BAA DILAYA SOMALILAND.

•               “KARAAMO KA QAADKA MADAX-DHAQAMEEDKEEDA IYO NIN RAGEEDKEEDA”.

•               “MANSAB BEEL-KU-DOONKA JIRRI SIYAASIGGA MADHAN”.

•               “ISASOO GARAB TAAGA LAGUMA GUURAANKA GOROF GANBIYE”

Dr. AYOsman(Gabalaax).

ahmed.gabalaah@gmail.com

Qoraalka Ummaddii Hormoodka Geeska.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.