WorldRemitAds
Shikadda Dawo Samaynta ugu weyn dalka Maraykanka laguna magacaabi jiray, Isis Pharmaceuticals, ayaa jimcihii shaacisay inay si rasmi ah magaceeda hore uga guurayso, ka dib markuu uga ekaaday Magaca kooxda Imaarada Islaamiga Suuriya iyo Ciraaq ee (ISIS), afka ingiriisiga ku noqonayo magacoodu.

Shirkadan Maraykanka ah ee samaynta dawooyinka qaabilsan, muddo dheerna ku caan ahayd baadhitaanada iyo samaynta dawooyinka ee dalka Maraykanka ayaa magaceedi hore ee (ISIS Pharmaceuticals),  uga guuraysa magac cusub oo loo dooray kaas oo noqonaya (Ionis Pharmaceuticals ), kaas oo laga bilaabo, todobaadkan shirkadu u guuri doonto.
Shirkadda Dawo SamayntaShirkadan Maraykanka ah ayaa wakhti hore la baxday, Magaca (ISIS), oo ay ka soo qaateen, Masaaridii hore ee Faraaciinta loogu yeedhi jiray, kuwaas oo Illaahyadii Sanabyada ahaa ee ay rumaysanayeen, uu ka mid ahaa (ISIS), una aaminsanaan jiray sida taariikhdooda lagu wariyay, Illaaha Caafimaadka sida ay aaminsanaayeen dadkaasi.
Waxaana ka daba qaatay magacaas meherado iyo shirkado badan oo dunida ah, gaar ahaan kuwooda caafimaadka ka hawl gala, oo iyaga laftooda xayaysiis iyo kalsooni ahaan u doortay, laakiin tan iyo intii kooxda Dacish ee magaceedu afka Ingiriiska ku noqonayo (ISIS), soo baxday dhibaato ka mutay, ugu danbayntiina ay khasab ku noqotay inay ka guuraan magacoodi.
Sida ay wakaalada wararka Reuters u sheegtay Madaxa iibka iyo suuq gelinta u qaabilsan shirkadaas oo lagu magacaabo, Sarah Boyce, muddo sanad iyo dheeraad ah, waxa shirkada la soo dersay dhibaato, la xidhidiha magaceeda oo ay isku mid noqdeen, magaca kooxda ugu halista badan dunida ee (ISIS ama Dacish), taas oo nagu keentay ayay tidhi, culays iyo dhibaato badan oo dhinac kastaba ka saamaysay.
Gabadhan ayaa sheegtay in tashi dheer ka dib ay shirkadu go’aansatay in magaceedi hore ay si rasmi ah uga guurto, oo mid cusub la baxdo, si buuxdana xarumaha shirkada oo dhan loogu dhejin doono todobaadkan ugu danbeeyay bisha December ee sanadkan aynu ku jirno ugu danbaysa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.