WorldRemitAds
Haweenay u dhalatay dalka Hindiya ayaa markii labaad tareen guudkii ku dul umushay sida ay ku warantay, qaar ka mid ah wakaaladaha wararka iyo warbaahinta dalkaasi, haweenaydan oo la socotay ninkeeda, ayaa fooshu ku dhex qabatay xili ay ku jireen safar laba magaalo ay ugu kala safrayeen.

Haweenaydan oo lagu magacaabo, Zubin Nisha, waxa ay fooshu qabatay xili ay la socotay tareen u kala safrayay, magaalooyinka Mumbai iyo Gowanda, waxaana odaygeeda iyo qaar ka mid ah dadkii ku safrayay, tareenkaas khasab ku noqotay in ay ka umuliyaan.
Haweenay Tareen Guudkii ku dhashaySida la sheegay waxa ay haweenaydani tareenka dushiisa ku umushay laba mataanood, oo wiil iyo gabadh kala ah, kuwaas oo sida la sheegay dhamaantood caafimaadkoodu fiican yahay, isla markaana sedkooda oo dhamaystiran ku dhashay.
Sida warbaahinta gudaha ee dalka Hindiya ku warantay haweenaydan ayaa afar sanadood ka hor sidan oo kale ugu dul umushay tareenkaas laftiisa oo safar, sidan oo kale ah ay wakhtigaasna ku jirtay.
Ninka qaba gabadhan oo lagu magacaabo, Hussein Habibullah oo ka hadlay xaalada xaaskiisa iyo foosha ku dul qabatay tareenka guudkiisa, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in carruuri markii labaad ugu dul dhalato tareenka dushiisa, waxa kale oo uu ku dooday in tani u tahay magac iyo sumcad bulshada dhexdeeda uga soo korodhay markii labaad.
Habibullah ayaa sidoo kale aad ugu mahad naqay shaqaalaha tareenkaas iyo qaar badan oo ka mid ah dadkii la safrayay, ee ka caawiyay ka dhalintii gabadhaas, kuwaas oo sida uu sheegay qaarkood ugu deeqeen dhar iyo kabdhado ilmaha lagu qabto.
Inkasta oo tareenadu mashquul badan yihiin dalka Hindiya dadka ku wada safrayaana aanay isku fiirsan, oo sida marar badan dhacda qofka ka soo degaa waxba ka xasuusan dadkii tareenka la saarnaa, haddana waxa uu tareenkaasi maalintaa noqday mid rakaabkiisu ka wada hawl galeen, ka umulinta gabadhaas iyo la socoshada xaaladeeda, waxaanay rakaab badani ilaa gaadhiga laga saarayay la joogeen qoyskan.
Halka kuwo kalana ay ciwaanadooda ka qaateen si ay xaalada carruurtaas safarka kula dhalatay uga war helaan, waxaanay rakaabka qaarkood ku warameen in qoyskaas ay kula midoobeen, fooshii iyo carruurtii tareenka ay ku safrayeen ugu dul dhalatay oo ku noqday dhacdo aanay ilaawi doonin inta noloshooda ka hadhay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.