WorldRemitAds
Maamulka dawlada Hoose Ee Caasimadda dalka Ciraaq Baqdaad, ayaa soo saaray awaamiir dib loogu soo celinayo bilicdii iyo quruxdii ay magaaladaasi lahaan jirtay, ka hor intaan lagu qabsan duulaankii Maraykanku hor kacayay ee burburka iyo nabad galyo darada u horseeday.

Xoghayaha dawlada hoose ee magaalada Baqdaad Cabdi Xusein Al-Murshidi oo ka hadlaya talaabadan cusub ee maamulkoodu qaaday, ayaa sheegay in qoys kasta oo ilmo u dhasho, ama ha ku noolaadaan Baqdaad ama socdaalba ha ku yimaadaana, ay dawlada hoose hadiyad u siin doonto, geed kaas oo iyagu ay xor u yihiin in meeshii ay doonaan ka beeraan.
Qoys kastoo ilmo u dhashoGeedka dawlada hoose siinayso ilmaha qoyskaas u dhashay ayaa magaca ilmahooda loogu magac dari doonaa, si qoyskaasi xil isaga saaro una ilaashado inuu geedkaasi koro, waxa laga doonayaa qoys kasta oo geed la siiyo inay  cadeeyaan halka ay ku beeraan, haddii ay tahay gurigooda ama haddii ay tahay beeraha lagu nasto ee jaarka la ah iyo wadooyinka hareerahooda.
Al-Murshidi oo u waramayay shabakada wararka ee Al-Arabiya ayaa qorshahan ku tilmaamay, mid dib u soo celinaya quruxdii iyo dhirtii cagaarnayd ee magaalada, isaga oo xusay in qoys kastaa dawlada hoose kala qayb qaadanayo beerista iyo qurxinta magaalada oo sida uu tilmaamay tacab ka galayo dhir beerista.
Talaabadan ayaa sidoo kale uu ku tilmaamay mid, kor u qaadi doonta dhiraynta magaalada, isla markaana ilmo kasta oo Baqdaad ku dhashaa garan doono geedkii loo beeray iyo taariikhdii la beeray, isna ay suura gal tahay inuu ilaashado.
Qorshahan ayaa lagu sheegay mid jaristii ama goyntii dhirta yarayn doona, kuna badali doona in la beero dhir badan, sababtoo ah waxa magaaladaas maalin kasta ku dhasha, boqolaal carruur ah, taas oo ka dhigaysa in maalin kasta la beero boqolaal geed, halkii awal in la jaro mooyee aanay ka jiri jirin in dhir cusub la beero ama sida lagu beeraaba aad u adkayd.
Magaalada Baqdaad oo ilaa qarniyadii hore ka mid ahayd meelaha ugu dhirta badan uguna cagaaran bariga dhexe, ayaa burburkii ku dhacay iyo nidaamkii dawladeed ee ka lumay ku keenay, in dhir badan la jaro, taas oo sii kordhisay wasakhowga hawada iyo abaaro is daba joog ah oo ka dhacay, kuwaas oo sababay fataahado iyo saxarow hor leh oo laga dareemay magaaladaas iyo degaamada ku hareeraysan.
Ururada caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ayaa qorshahan ku tilmaamay mid muhiim ah oo laga yaabo, inuu wax badan soo kordhiyo isla markaana kor u qaado dhiraynta magaalada, kaas oo sida loo dhigay marka loo eego uu noqonayo mid dhaxal gal ah oo inuu taabo galo ay u badan tahay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.