Jasiirada qaniga ku ah shidaalka ee Brunei ayaa xukun cusub oo aad u adag ku soo rogtay, dabaal degyada ciida kirismaska ee bilashada sanadka cusub ee miilaadiga ku beegan, waxaana qof iyo koox kasta oo lagu qabto iyagoo diyaarinaya dabaal degyo ama fantasiye u samaynayaa mudan doontaa xadhig shan sanadood iyo labaatan kun oo dollar oo ganaax ah.

Waxaanu qof kasta oo lagu helo, lagu xukumi doonaa shan sanadood oo xadhig ah iyo labaatan kun oo dollar oo ganaax lacageed ah, sharcigan cusub ayaa kaliya si gaar ah loogu soo rogay dadka Muslimiinta ah ee dalkaas ku dhaqan, laakiin dadyowga ajaanibka ah ee dalkaas jooga iyaga waxa loo ogol yahay, in ay xaflad qabsan karaan, hasa yeeshe waxa shardi u ah, in ay ka fasax qaataan xukuumada dalkaas oo ogolaansho la siiyo.
Waxa kale oo ajaanibka laftooda looga baahan yahay in xafladahooda ay ku qabsadaan goobo loo cayimay oo hudheelo iyo meelo la ilaalinayo ah, waxaana shardi u ah inaan dad islaam ahi kala qayb geli Karin xafladooda.