WorldRemitAds

Cilmi-baadhis caafimaadka ah oo ay samaysay jaamacadda Harvard ee ku taal dalka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday in haweenka yaraantooda la kulma, cadaadiska nafsiga ah ama tacadiga dhinaca jinsiga ahi, ay dhalaan carruur gooni socod ah oo kali joog noqda (Autism Disease) afka qalaad loogu yeedho.

Deraasadan ama cilmi-baadhistan oo loogu kuur galayay caafimaadka guud ee aadamaha ayaa lagu xaqiijiyay, in haweenku marka ay yaraantooda la kulmaan, cadaadis dhinaca maskaxda ah ama guurka ah iyo haddii lagu dhibaateeyo nolosha ay badanka dhalaan carruur kali jooga ah, taas oo ay si wayn uga sareeyaan kuwa kale ee dhigooda ah.

SomlegalAds

Baadhitaankan oo ilaa konton kun (50) oo haween ah lagu sameeyay ayaa loogu kuur galayay dhibaatada kali joognimada carruurtu leedahay ee sida wayn ugu fidaysa, mushtamacaadka dunida, waxaana si wayn loo xaqiiqsaday in kaliya dhibaatadii yaraanta ku soo martay hooyada oo kaliya aanay ku xidhnayn, kali joognimada carruurtu balse xitaa ay xidhiidh la leedahay cadaadiskalagu hayo marka ay haweenaydu guursato.

Arrimaha kale ee sababa gooni socodnimada ilmaha ayay deraasadani sheegtay ama lagu ogaaday inay ka mid yihiin, balwadaha hooyadu isticmaasho inta ay ilmaha uurkiisa leedahay sida sigaarka iyo Alcohol-ka, iyo wixii kale ee la mid ahba, kuwaas oo saamayn weyn ku yeesha ilmaha noloshiisa, gaar ahaan caafimaadkiisa oo la sheegay in ay u sababaan, xanuunada Macaanku ka mid yahay oo mustaqbalka ku dhaca ilmaha ha yaraado ama ha koro oo qof weyn ha noqdee.

Daraasadan ayaa marka la isku soo wada xooriyo tilmaamaysa sida caafimaadka hooyadu saamayn ugu leeyahay, ilmaha hadday tahay caafimaadkiisa iyo koriinkiisa jidheed iyo ka maskaxeed, waxaana sida ka muuqata natiijada cilmi baadhistan laga dheehan karaa, in xaalad kasta oo hooyadu la kulanto nolosheeda iyo inta ilmaha uurkiisa ay leedahay ay cawaaqib aan laga soo waaqsan karin ku noqon karaan dabeecadaha iyo guud ahaan nolosha ilmaha ama carruurta ay dhasho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.