WorldRemitAds

Cilmi baadhistii ugu danbaysay ee laga sameeyay aduunyada ayaa ka marag furtay faa’iidooyinka caafimaad ee quudashada beedku u leedahay aadamiga, waxaanay deraasadan caafimaad shaaca ka qaaday, in hal xabbo oo beed ah oo qofku maalintii qutaa ka hor tag uga noqon karto cudurka macaanka, gaar ahaan nooca heerka labaad “Type 2 diabetes”.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Sida lagu baahiyay shabakada arrimaha caafimaadka ka faaloota ee Medscape, cilmi baadhis caafimaad oo ay samaysay jaamacadda University of Eastern Finland, Kuopio, oo bariga dalka Finland ku taala, ayaa natiijadii ka soo baxday cadaysay in hal xabbo oo beed ah oo qofku cuno maalin walba ay ka hor tag uga noqon karto xanuunka macaanka heerkiisa labaad.

Sida baadhitaankan lagu ogaaday dadka da’da dhexe ku jira ayaa aad ugu wanaagsan inay maalin walba hal xabbo iyo ka badan beed ah quutaan, ay yarayso heerka Maadada “Tyrosine” afka qalaad loogu yeedho oo qayb ka qaadata ama soo dedejisa in cudurka macaanku ku dhaco qofka, laakiin haddii uu quuto hal xabbo oo beed ah iyo ka badan ay boqolkiiba 38% ka badbaadin karto.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Sida daraasadani cadaysay beedka ayaa ku fiican in qofku kariyo ama si toos ah u liqo, oo aan la shiilin khudaar iyo waxyaabo kalana aan lagu darin xitaa milix, kaas oo leh faa’iido caafimaad oo badan, baadhayaasha sameeyay daraasadan ayaa natiijo aad lagu farxo oo bilow ah ku tilmaamay rejo wayna ka qaba in faa’iido badan laga gaadhi doono mustaqbalka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.