WorldRemitAds

Qalliin 25 saacadood qaatay oo lagu tilmaamay kii ugu adkaa, ka dib waxay dhakhaatiirta cusbitaal ku yaala magaalada New York ee dalka Maraykanku ku guulaysteen inay dib wajiga ugu beeraan wiil dhalinyaro ah oo labo sano ka hor damcay inuu is dilo madaxana iska toogtay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Ninkan oo lagu magacaabo, Cameron Underwood, ayaa bishii June ee sanadkii 2016-kii, xabad uu doonayay inuu nafta isaga jaro, ku liishaamay madaxiisa, waxaanu iska toogtay wajiga oo qaybo badan oo ka mid ahi ku burburay dhaawacii ka soo gaadhay rasaastaa.

Dhakhaatiirta ayaa markii hore ku dedaalay in la badbaadiyo noloshiisa, waxaana suura gal u noqotay inuu sii noolaado oo maalin kale dib loogu dhigo, waxaanu cusbitaalka ka soo baxay isaga oo qaba dhaawac aad u halis ah, kaas oo ay dadka ku adkayd inay wajigiisa eegi karaan ama dheehan karaan.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Waxaanay taasi dhalisay in loo galo dedaal lagu doonayo in dib loogu beero qaybaha ka lumay wejigiisa, si muuqaalkiisi dib loogu soo celiyo, waxaanay dhakhaatiirta qurxinta jidhku ku guulaysteen inay qalliino tiro badan oo is daba joog ah ka dib dib ugu wada beeraan wejigii ninkaa, waxaanay suura gal ka dhigeen in muuqaal qurux badan oo la dhawri karo uu yeesho.

Qalliin 25 Saacadood Qaatay Oo Weji Loogu Beeray Nin Madaxa Iska ToogtayNinkan dhalinyarada ah ayaa xabadii uu wejiga isaga dhuftay ay la tagtay, qaybaha hoose ee wajiga, gaar ahaan gadhka, ilkaha, ciridka, qaybo ka mid ah carabka, waxaanay ku keentay fool xumo aad u wayn oo gabi ahaanba qaybihii quruxda samaynaysay ama aadamiga lagu garanayay ay ka lumeen.

Qalliino dhawr ah oo lagu sameeyay ayaa lagu guul daraystay, hasa yeeshee waxa uu ugu danbayntii ku guulaystay inuu helo caalimka, qalliinada qurxinta jidhka ugu aqoonta sareeya wakhtigan oo lagu magacaabo, Dr. Eduardo Rodriguez, kaas oo ka tirsan xarunta NYU Langone Health ee degaanka Manhattan oo ka tirsan gobolka New York ee dalka Maraykanka.

Dhakhtarkan oo boqol shaqaale ah oo kal kaaliyayaal iyo adeegayaal caafimaad isugu jiraa ay weheliyaan ayaa ninkan ku sameeyay, qalliin culus oo muddo 25-saacadood ah qaatay, kaas oo si wayn loogu guulaystay, bukaankan toogashada isku cawarayna dib loogu soo celiyay, muuqaalkiisi oo aad u qurux badan, taas oo si wayn uga farxisay.

Cameron Underwood ayaa markii uu ka soo kabtay qaaliinkii cuslaa ee dib loogu beerayay wajiga, saxaafada la hadlay, waxaanu isagoo aad u dhoola cadaynaya u mahad celiyay dhakhtarka iyo kooxdii qalliin-ka ku sameeyay, waxaanu sheegay inuu galay nolol cusub oo uu maanta dib u soo dhashay, waxa kale oo uu ka waramay, xaaladii dhibaatada lahayd ee uu soo maray intii ka danbaysay bishii Juun ee sanadkii 2016-kii oo ahayd markii uu is toogtay ee uu rasaasta madaxa isaga dhuftay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.