WorldRemitAds

Haddii aad hore u taqaanay marin biyoodka adduunka ugu halista badan ee saddex geesoodka Barmuuda loogu yeedho, ma maqashay inuu jiro saddex geesoodka ugu halista badan duulimaadyada, kaas oo muddo nus qarni ah labo kun oo diyaaradood ay ku lumeen, kumanaan rakaab ahna naftooda galaaftay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Saddex geesoodkani waxa uu ku yaala gudaha dalka Maraykanka, taas oo ka duwan saddex geesoodka Barmuuda oo isagu duleedka dalka Maraykanka ku yaala, waana mid halistiisu aad u badan tahay, ilaa walina aan xal laga gaadhin wax aqoon ahna aan loo hayn sababta keentay in tiraddaa aadka u badan ee diyaarada ahi ku lumaan.

Saddex geesoodkan oo loogu yeedho Saddex Geesoodka Dhimashada ama layaabka badan ee Nevada, waxaanu ku yaala degaanka galbeed ee dalka Maraykanka, waa dhul masaafo ahaan ku fadhiya kala badh bedka dalka Ingiriiska, waxaanu ka bilaabmaa galbeedka gobolka Nevada gaarahaan dhulka lamo degaanka ah ee gobolkaa, waxa uu afka saara gobolka California ilaa degaanka San Francisco ilaa Las Vegas.

Waxa sanad walba lagu waaya diyaarado tiro badan oo isugu jira kuwa gaarka loo leeyahay ee dadka ladani kaxaystaan iyo kuwa rakaabka qaada, waxa kale oo ka mid ah diyaaradaha dhulkan lagu waayay, kuwa dagaalka ee ciidamada cirka Maraykanka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Waa saddex geesood sababa dhimasho tiro badan, waxaana dhacda in marka shil diyaaradeed ka dhaco wakhtiyadii dhawaa la helo, raqda dad wakhtiyo hore ku dhigtay diyaarado degaankan kula lumay kuwaas oo marka qalfoofkooda la helo uun lagu war helo inay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay shil tobanaan sano ka hor ka dhacay goobtaa.

Sida tiro koobyada shilalka diyaaradaha ee goobta ka dhacay tilmaamayaan, waxa ku lumay degaankan in ka badan labo kun oo diyaaradood kuwaas oo intooda badan la waayay meel ay raq iyo ruux mareen, mar qudhana ka baxay hawada oo raadkoodu sidaa ku lumay.

Ilaa wali lama garanayo sababta xaaladaha noocan oo kale ahi ay uga dhacayaan degaan ama dhul ku yaala badhtamaha dalka Maraykanka, oo ah kan ugu horeeyay tignoolajiyada duulimaadyada iyo la socodka xaaladooda, raadaalo badana leh siyaabo kala duwana ula socda dhadhaqaaqyada duulimaadyada kala duwan ee aduunka.

Inta badan khubarada shilalka iyo duulimaadyada ee dalka Maraykanka ayaa eeda badankeeda saaraya duruufaha cimilo ee degaanka ka jira, waxaanay sheegayaan in heer kulku aad u sareeyo diyaaaraduhuna xawaare aad u sareeya ku maraan, waxaana ka dhasha ayay ku doodayaan kulayl kala daadiya khafiska saree e diyaaraha, sababta shilkuna sidaa ku timaado.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.