WorldRemitAds

Baadhitaano badan oo khubarada caafimaadku sameeyeen ayaa lagu ogaaday faa’iidada ku jirta weysadda salaadda, gaar ahaan shanta wakhti ee qofku waysaysto maalintii iyo habeenkii, kaas oo ay khabiiradu sheegeen in ay u fiican tahay caafimaadka jidhka oo dhan gaar ahaan wareega dhiigga.

Cilmi baadhistan oo laga sameeyay tiraba dhawr waddan ayaa lagu sameeyay dad tiradoodu gaadhayso kun iyo laba boqol oo qof kuwaas oo ah muslimiin maalin walba waysaysta, shanta salaadood, kuwaas oo ku kala nool dalalka Maraykanka, Kanada iyo Sucuudi Carabiya waxaana baadhistaas ka dib la ogaaday in waysaysigu wareega dhiiga qayb wayn ka qaadato.

SomlegalAds

Khabiiradan oo ka kala socday jaamacado dhawr ah ayaa markii ugu horaysay baadhitaankooda ka bilaabay dalka Maraykanka, waxaanay ku soo beegeen wakhti cimiladu aad u qabow dahay, taas oo ujeedadoodu markii hore ahayd in ay ogaadaan, heerka qabowgu gaadhsiisan yahay marka loo eego in ay waxyeelo u leedahay dadka xanuunada maqaarka iyo lafaha qaba, hasa yeeshee waxa natiijadii ka soo baxday ay noqotay mid si wayn uga duwan wixii ay filayeen.

Ninkii ugu horeeyay ee baadhitaankani ka soo bilaabmay oo ahaa nin qaba, xasaasiyada maqaarka isla markaana ka cabanayay xanuunka lafaha ku dhaca ee Roomatiisamka ayaa markii uu waysaystay waxa la ogaaday in heer difaaca ee unugyada cad-cad ee jidhkiisu aad kor ugu kaceen, isla markaana jidhkiisu sii daayay hormoonada wareega dhiigga fir fircoonida galiya.

Nebigeeni Maxamed (NNKHA) ayaa wakhti laga joogo kun iyo afar boqol oo sanadood ka hor inoo sheegay faa’iidada ay waysadu leedahay gaar ahaan, marka lagu talax tago xiliyada qabowgu jiro, taas oo danbi dhaaf, danbi nadiifin iyo atar badan leh, hasa yeeshee dhakhaatiirtu waxa ay imika ogaadeen in caafimaadka jidhka wax wayn ka tarto.

Maxaa Ku Cusub Caafimaadka - Mucjisooyin Laga Arkay Weysadda SalaaddaBiyaha ayaa wakhtiga qabowgu jiro iyo wakhtiyada kale intaba fir fircooni galiya jidhka, waxa kale oo intii baadhitaanka lagu guda jiray la ogaaday sida ay waysadu faa’iido ugu leedahay unugyada difaaca ee dhiiga iyo jidhka, waxaanay dhakhaatiirta iyo khubaradii baadhitaanka sameeyay ku tilmaameen waysada mid badal u noqon karta dawooyin tiro badan oo loo qaato maqaarka iyo wareega dhiiga sidii looga shaqaysiin lahaa.

Mucjisadan ka soo daahirtay waysada iyo dahaarada oo wali ku jirta tijaabo ayaa natiijadii ka soo baxday noqotay mid si wayn uga yaabisay, khabiiradii reer galbeedka ahaa ee ku hawlanaa baadhitaankan oo markii hore ku bilaabmay ama ay ka doonayeen in ay dacaayada iyo warxumo tashiil u sameeyaan waysada, isla markaana ay doonayeen in ay ka helaan, waxyaabo iin ku noqon kara, hasa yeeshee natiijadii kaga soo baxday noqotay mid ay afka ka qabsan kari waayaan, ugu danbayntiina ku tilmaameen mid badal u noqon karta dawooyin tira badan oo caafimaad ahaan loo isticmaalo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.