Hargeysa, Somaliland, December 25, 2015, (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa tilaamay in ay wax lala yaabo tahay in xukuumaddu tidhaahdo Sicir bararku faraha ayuu ka baxay oo ay xallin kari weydo.

Sidoo kalena wuxuu naqdiyay wasiirka ganacsiga Somaliland oo dhawaan sheegay in xakamaynta sixir bararku faraha ka baxday islamarkaana ay dhaaftay heer wasaaraddu xakamayso, waxaanu Faysal sheegay in la xakamayn karo haddii lagu dedaalo, isagoo walaac ka muujiyay sixir bararka jira. “Waxaan ku darayaa..Sicir bararka maanta jiraa waxaa uu dhabarka ka jabiyay dadkeenii masaakiinta ahaa. Ninkan wax iibinayaa waxaa uu dusha ka saarayaa wixii kacay ninka miskiinka ah iyo gabadha miskiinadda ah. Markaa waa in sidii sicir bararkaas loo joojin lahaa laga shaqeeyo. Maalin dhaweyd waxaan maqlayay Wasiirka oo leh Sicir bararkii faraha ayuu ka baxay, wax kasta waa la qaban karraa wax gacanta ka baxayna ma jiro. Siduu uga baxay gacanta..waa in xal loo hellaa sicir bararka. Ha niyad jabina waynu soconaynaa illaa aynu ictiraafkii ka hello Insha Allah.”