WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 25, 2015 (Saxafi) – Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, ayaa sheegay in aanu madaxweynuhu xil kaliya u mada magacaabin laba masuul oo ka wada tirsan xukuumadda.

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) war-saxaafadeed uu soo saaray ayaa lagu sheegay in la taliyihii arrimaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwo maxaliga ah Cabdisamad Cumar Maal si ku meel gaadh ah loogu magacaabay garyaqaanka guud ee qaranka, taasina ay keentay in la taliyihii Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwo maxaliga ah loo magacaabo Fahmi Cabdi Bidaar oo laga soo bedelay badhasaabka gobolka Saaxil.
Madaxtooyadda SomalilandQoraalka afhayeenka ayaa u qornaa sidan: “Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku cadaynayaa in, Abdisamad Cumar Maal, oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah, in si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay ku simaha, garyaqaanka guud ee Qaranka, ka dib markii garyaqaankii guud ee qaranku Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan uu deeq Waxbarasho oo “Sannad iyo Badh ah”uu ugu baxay Dalka Koonfur afrika.
Sidaa darteed, Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, wuxuu qoraalkan ku caddaynayaa in aanay jirin hal xil oo isku mid ah oo uu Madaxweynuhu u magacaabay laba masuul oo kala duwan.
Ugu danbayntii, Mudane Fahmi Cabdi Bidaar ayaa ah La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah sidii ku cadayd warsaxaafadeedkii kan ka horeyey”.
Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii lagu dawakhay xilkan loo magacaabay Fahmi Cabdi Bidaar ee la taliyaha hay’adaha caalimiga ah iyo kuwo maxaliga ah oo hore loogu magacaabay Cabdisamad Cumar maal, isla markaana aan warbaahinta loo soo gudbin goorta xilkaasi laga bedelay iyo xilka cusub ee uu hadda hayo ee Garyaqaanka guud oo aan la shaacin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.