WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, December 25, 2015 (Saxafi) – Wefti uu hor kacayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa shalay si weyn Boorama loogu soo dhaweeyay, isla markaana xaflad loogu qabtay magaalada Boorama ku soo dhaweeyey taageerayaal xisbgiisa ku biiray.

Guddoomiye ku xigeenka iyo wefdigan u horkacayay waxaa ka mid ahaa Xog-hayaha guud ee xisbigaas Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo xubno ka tirsan guddiga fulinta ee xisbigaasi, waxaana goor hore oo shalay subax ahayd magaalada Tulli kaga hortegay boqolaal dadweyne ah oo isugu jira taageerayaasha xisbgisaasi iyo maamuladiisa gobolka, kuwaasoo markii ay soo gaadheen magaalada gaadiidkooda iyo taageerayaal jidbaysani kala xidheen jidadka magaalada Boorama.
Xisbiga Mucaaradka ah ee WaddaniGuddoomiyaha iyo wafdiga uu horkacayay ayaa markii dambe Huteelka Haldoor kala hadlay taageerayaashii isla markaana kusoo dhaweeyay xubno kusoo biiray xisbigaasi, waxana halkaasi laga soo jeediyay khudbado isugu jiray, taageerada xisbiga Waddani, iyadoo dhaliilo badanna loogu soo jeediyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad Axmed Muumin Seed oo khudbad ku soo dhaweeyey taageerayaasha kusoo biiray ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda dalka kuna tilmaamay mid ka sii daraysa xag nololeed iyo xag siyaasadedba, waxana hadaladiisii ka mid ”Waan u mahad celinaynaa cid kastoo na soo dhaweysay, marka labaadna dabkii baxaya ayaa dab lagu qabsadaa sidaa darteedna cid kastaa maanta way ogtahay xaaladda dalka, iskuna sheegi mayno in xisbgani yahay kan maanta ka saari kara marxaladda aan dhinac kasta ka maraynno. Waxa kale oo aan soo dhaweynayaa taageerayaasha gartay in xisbigani yahay kii mustaqbalka dalkan badbaadin lahaa, kuna soo biiray maanta waanan guuleysan doonaa”
Xoghayaha guud ee Xisbigaas Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna munaasabaddan ka hadlay ayaa si gaar ah u soo qaatay gudiga madaxweynuhu ku magacaabay isku socodka Soomaaliya iyo Soomaaliland, isagoo guddigaasi ku sheegay mid gooni isu taaggii dalkan khtar ku ah, Uurcadde ayaa sidoo kale xukuumadda ku dhaliilay sicir babarka xadhkaha goostay iyo xaraashka dhulkii danta guud ee umadda ka dhexeeyay, reer Booramana ku sheegay in aanay weli aafadaasi taabanin, balse loo baahanyahay inay ka feejignaadaan
Munaasabaddan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay masuulyiin hore, taageerayaasha kusoo biiray, masuulyiinta xisbigaasi qaar kalle oo ka mid ah.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.