WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 25, 2015 (Saxafi) – Shir lagaga hadlay adkaynta amniga caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa shalay lagu qabtay dhismaha Dab-damiska Hargeysa, halkaas oo ay masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ay dadweynaha ku baraarujiyeen inay nabadoodda ilaashadaan.

Munaasibadan waxa soo abaabuley Dawladda hoose ee Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay wasiir ku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye, xildhibaannadda golaha deegaanka iyo guddiyadda degmooyinka ee magaaladda Hargeysa, waxaana lagaga hadlayey sidii ciidanka amniga loogala shaqayn lahaa amniga iyo sidii dadweynuhu fiiro gaar ah ugu yeelan lahaayeen ammaanka dalkoodda.
dawlada hoose ee HargeysaXoghayaha dawlada hoose Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi, ayaa sheegay in lagama maar tahay in dadweynuhu ka shaqeeyaan amniga, isla markaana wixii wax u dhamaya ula socodsiin lahayeen hay’adaha amniga oo diyaar u ah inay la shaqeeyaan.
Xoghayaha dawladda hoose Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan idinku boorinaya inaad amniga xoojiyaan, maadaama oo sanadkii hore dhamaanayo mid cusubna soo galayo waana wakhtiyadda loo baahan yahay in indhaha la furo oo si balaadhan loogu fiirsaddo amniga, waa in aynu booliska la shaqaynaa oo amniga xoojino oo wada shaqayn fiican dhexmarto dadweynaha iyo booliskii oo haddii ay wax dareemaan markiiba la socodsiiyaan ciidanka amniga oo ay ku soo wargaliyaan, waxaana rajaynaya in sanadka soo socdana khayr inagu gaadhsiiyo ka inaga tagayaa khayr iyo nabadgalyo inagago tago”
Ku simaha maayarka ahna Maayar ku xigeeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne ayaa isna dadweynaha iyo guddiyada nabadgalyadda ee degmooyinka ku waaniyey inay amnigoodda xoojiyaan oo ay indhaha ku hayaan wax walba oo amniga waxyeelayn kara.
“Waxaan xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweynaha Axmed Maxamed Silaanyo iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo ku xigeenka amniga ee gacanta birta ah ku haya amniga dalka ilaahay ka sakow, waxaan leeyahy guryaha la kireeyo iyo hoteeladda la seexdo waxay ku amran yihiin in dadka soo galaya sharciga ay haystaan iyo xidhiidhkooda mid walba laga helo, waa inuu xog badan ka hayaa ninka hoteelkiisa seexanaya, istaamadda hoteeladda waa in gaadiidka cidda raacaysa iyo halka loo raacayaba waa in lala socdaa”ayuu Cabdicasiis Maxamed Cago weyne.
Maxamed Muuse Diiriye wasiir ku xigeenka amniga ayaa soo dhoweeyey kulankan amniga lagu xoojinayo, isla markaana sheegay in muhiim yahay in dadku amnigoodda ilaashadaan kana war hayaan jaararkooda iyo dadka guryaha soo gallaya, waxaanu yidhi“shayga kaliya ee aan laga maarmi Karin waa nabadda, waxa la yidhi gogol rag waa nabad, qofna ma fadhiyi karo meel aan nabad ahayn oo ma seexan karo oo ma ciibaadaysan karo haddii aanay nabadi jirin, waxaan fariin u dirayaa shacabka Somaliland, goleyaasha deegaanka iyo badhasaabyadda dalka sidii ay u hanan lahaayeen nabadgalyada dalka sida caasimadda oo kale waa in loo diyaar garoobaa sidii amniga loo adkeyn lahaa”.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xidhibaan Cabdilaahi Siciid iyo Agaasimaha Dab-damiska Cabdiqaadir Xaashi, kuwaas oo dadweynaha Caasimadda ku booriyey inay amniga ilaashadaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.