WorldRemitAds
Washington, Maraykanka, December 25, 2015 (Saxafi) – Dawladda Maraykanka ayaa cambaaraysay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti, waxayna ka tacsiyadaysay dadkii ku geeriyooday iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay falalkii rabshadaha ahaa ee ka dhacay Djibouti.Xukuumadda Washington ayaa ugu baaqay xukuumadda Djibouti inay sii dayso xubnaha ka tirsan mucaaradka ee xabsiga ku jira; ayna xukuumaddu xushmeyso xuquuqda shacabku ay ku leeyihiin, madax-bannaanida hadalka iyo dibadbaxyada ay mucaaradka dhiganayaan.
Dawladda Maraykanka oo ka hadashay Djibouti“Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Jabuuti iyo dhammaan siyaasiyiin waddankaas inay kawada shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa qalalaase dambe oo Jabuuti ka dhaca, ” ayaa lagu yidhi warbixinta ay xukuumadda Mareykanku soo saartay.
Sidoo kale, warbixinta xukuumadda Washington ayaa waxay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Jabuuti ku boorisay inay dib u billaabaan wada-xaajoodkii si loo xaqiijiyo inay si nabad ah ku dhacdo doorashada madaxnimo ee dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka.
Dowladda Mareykanka ayaa xustay inay ka go’an tahay inay taageerto wadahadallo kasta oo xukuumadda Jabuuti iyo asxaabta mucaaradka dhexmara, oo ay ka go’an tahay adkeynta sidii xukuumad wadajir ah loo heli lahaa isla markaana horumarka jira loo sii wadi lahaa.
Ugu dambeyn, Warbixinta Mareykanka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo magaalada Jabuuti ay laba casho ka hor ka dhaceen rabshado ay ku dhinteen 19-qof, ayna 75- qof oo kale ku dhaawacmeen, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo shacab la sheegay inay xus dhiganayeen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.