WorldRemitAds
Breda, Netherlands, December 25, 2015 (Saxafi) – Maxkamadda Breda ee ku taal dalka Netherlands, ayaa amar ku siisay Daahir Calasow inuu raaligelin ka bixiyo kuna baahiyo dhamaan mareegahiisa muddo sannad ah eedeymo beeno ah oo uu hore uga baahiyey Shirkadda Dahabshiil isaga oo ku xidhiidhiyey faldembiyeedyo beenabuur ah.

Go’aan Maxkamadda Breda soo saartay ayaa lagu sheegay in dhamaan eedaha la xidhiidha argagxisada iyo gabbood-fallada ka dhanka ah warbaahinta ee uu ninkaasi la xidhiidhiyey shirkadda Dahabshiil yihiin qaar la been-abuuray, isla markaana yihiin kuwo aan sal iyo raad loo raaco toonna lahayn.
Dutch Court orders CalasowMaxkamadda ayaa ku amartay Daahir Calasow, oo qoraalo sumcad-dilis ah ku baahiyey mareegaha uu maamulo ee ay ka midka yihiin: sunatimes.com, waagacusub.net, waagacusub.info iyo kuwa kaleba inuu muddo laba iyo toban bilood ah (12) ku baahiyo qoraal uu ku caddaynayo in uu ka been-abuurtay shirkadda Dahabshiil, eedaha uu ka baahiyeyna yihiin kuwo aan caddaymaba lahayn, iyada oo la amray in laba toddobaad gudahood, uu qoraalka raaligelintuna ku soo baxo mareegahiisa.
Eedaha Daahir Calasow la xidhiidhiyey shirkadda Dahabshiil ee maxkamadda Breda diiday ayaa waxa ka mid ahaa dilkii fanaanada Saado Cali Warsame oo laba nin oo ku eedeysnaa lagu helay dembigaa bishii May 2015.
Afhayeen u hadlay shirkadda Dahabshiil oo ka hadlay go’aanka Maxkamadda ayaa yidhi: “Waan ku faraxsannahay in maxkamad awood u lihi xaqiiqsatay been-abuurka lanaga baahiyey, fursadna noo siiso in sumcadda wanaagsan ee shirkaddu muuqato. Waxaan rajaynayaa in go’aankani soo gebagebeeyo eedo been-abuur ah oo damboo la baahiyo.”
Shirkadda Dahabshiil ayaa hoosta ka xariiqday mowqifkeeda ka dhanka ah dhammaan noocyada argagaxisada, “Waxaan gebi ahaanba ka soo horjeednaa falalka argagxisada, dhamaan noocyadeeda kala duwan, taas bedelkeedana, waxaanu maalgelin badan ku bixinay adeegsiga nidaamyada lagaga hortago, waxaanuna buuxinay shuruudaha hay’adaha lacagta, iyo dhamaan qawaaniinta caalamka oo ay ka mid yihiin kuwa lagu maamulo Ingiriiska ama UK, (sida UK regulator, the Financial Conduct Authority, iyo hay’adda dusha ka maamusha ee Her Majesty’s Revenue and Customs).”
Ka hor go’aankan ugu dambeeyey, waxa Shirkadda Dahabshiil maxkamad saartay Daahir Calasow November 2010 iyo December 2014, iyada oo maxkamadahaasi ku amreen inuu ku daabaco bogaggiisa ka-noqoshada uu ku qiranayo inuu waxyeello sumcadeed ula badheedhay Shirkadda Dahabshiil, oo Soomaali iyo Ingiriisiba ah, isla markaana dadkii uu farriimaha emails-ka ama Internetka kala xidhiidhi jireyna gaadhsiiyo qoraalkiisa qiraalka ah.
Go’aankan Maxkamadda Breda ayaa ku soo beegmaya xilli ururrada Saxaafadda sida NUSOJ, SIMHA iyo SOLJA ku eedeeyeen Daahir Calasow iyo Cumar Faaruuq inay ku shaqeystaan baahinta eedo been-abuur ah, oo shaqsiyaadka Soomaalida iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ku dibindaabyeeyaan, laaluushna kaga dalbadaan. Ururka SOLJA, gaar ahaan, waxa uu ku eedeeyey nimankaas in ‘ficillada ay ku kacayaan si ula-kac ah u waxyeelaynayaan saxaafadda anshaxa mihnadeed leh’.
Qoraal qareenada difaacayey Shirkadda Dahabshiil Bird & Bird soo saareen ayaa u qornaa:
“Go’aankani wuxuu xaqiijiyey sumcadda Shirkadda Dahabshiil. Amarka/go’aanka Maxkamadda ee ah in Calasow ku baahiyo dhamaan mareegihiisa qoraal uu ku raaligelinayo Shirkadda Dahabshiil, kuna jiro muddo sannad ah, waa farriin caddeynaysa in ninkaasi ku guuldarraystay inuu wax daliil ah ku ladho been-abuurkiisa uu ka baahiyey shirkadda ee aan meel loo raaco lahayn.”
Shirkadda Dahabshiil oo xarunteedu tahay London, UK, waxa weeye hormuudka ugu ballaadhan shirkadaha qaaradda laga leeyahay ee lacagaha kala dira Afrika, waana shaqo-bixiyaha ugu weyn dhulalka Soomaalida. Waxa Shirkaddu ku hawlgashaa qawaaniin caalami ah oo lagu maamulo isu-dirista lacagaha oo ay ka mid tahay Payment Services Regulation oo lagu maamulo Financial Conduct Authority (FCA) ee dawladda UK.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.