WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 26, 2018 (Saxafi) – Qaar ka mid ah haweenka ku ganacsada sariibadda Boorama ayaa shirkadda nadaafadda ee Horseed ku eedeeyey inay ka gaabisay shaqadii nadaafadda ee suuqaasi isla markaana ay sabab u tahay xanuunno ka dilaaci karra suuqaasi oo ku yaalla badhtamaha Magaalada.

Haweenkan oo siyaalo kala duwan uga hadlay nadaafad xumada sariibadda Boorama ka taagan ayaa dhinaca kalena shaaca ka qaaday in shirkadda nadaafadda ee loo yaqaan Horseed ay ku khasbayso inay bixiyaan lacago dheeraad ah oo aanay awoodin, shuruudna uga dhigtay nadiifinta suuqaasi.

SomlegalAds

Mid ka mid ah haweenka ku ganacsada Sariibadda Boorama oo magacaeeda ku sheegtay Faadumo Sheekh Axmed Nuur, ayaa cabashadeedaasi ku tidhi “Qoladan la yidhaa Horseed waxay nagula jiraan dagaal iyo aflagaadooyin, waxayna nagu yidhaahdeen lacatgtiina haysta wax na idiinka nadiifin mayno, waxaan arrintaasi u sheegaynaa dawladda hadii ay wax noo qaban weydana meesha waan ka guureynaa, sababtoo ah waa gudaafadda kalooraa laga qaadayaa. shan maalmood nalooma iman, waxayna nagu yidhaahdeen laba kun oo shilin bixiya maalintii mana awoodno. Waxaa Meeshan nagu haysta dad meel kale ka yimi oo aan ahayn dadkii u dhashay Magaalada, danna aan ka lahayn waxaan, way na caayayaan annagoo dumar ah. Dawladda Hoose, iyo xukuumadda Muuse Biixiba waxaan leeyahay jidkii Laamiga ahaa ee aad nooga dhisteen halkan wuu khasaaray, nadaafad xumo iyo qashin ayaa loo mari layahay, sidaa darteedna waxaan idinka codsanaynaa inaad deg-deg nooga soo gaadhaan dulligan iyo gidaafaddan, Dumarkii dawladda Hoose ee naga nadiifin jiray ayaa roonaa laakiin kuwani wax aan aragnay maaha” ayay tidhi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.