WorldRemitAds

Wajaale, Somaliland, November 21, 2016 (Saxafi) – Magaaladda Wajaale waxa ku soo fiday shuban aan wali nooca uu  yahay aan la ogaan, kaasi oo la sheegay inuu ka soo talaabay xadka Itoobiya oo xaaladan oo kale ka jirtay bilihii u dambeeyey, gaar ahaan magaaladda Jiga jiga iyo nawaaxigeedda.

Maxamuud Cali oo ka tirsan dadka ku nool magaaladda Wajaale oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in shubanku ka jira magaaladda, isla markaana dad badan uu  ku dhacay. “Waxa magaaladda Wajaale ka dilaacay shuban, waxaana uu nooga yimid dhinaca Itoobiya oo la sheegay inuu dad badan ku soo laayey, waxaana toddobaadkii u dambeeyey lagu arkay Wajaale dad u soo riday cudurkan Shuban biyoodka ahi”ayuu yidhi Maxamuud Cali oo ku dhaqan magaaladda Wajaale oo wargeyska Saxafi khadka telefoonka ugu waramayey.

Agaasimaha cisbitaalka Wajaale Cumar Cabdi Guuleed oo isna aan khadka telefoonka ku waraysanay ayaa noo xaqiijiyey jiritaanka cudurkan Shubanka ah, inkastoo uu sheegay in aan wali la ogaan nooca uu yahay maadaama oo shubanku noocyadiisu kala duwan yahay.

SomlegalAds

Agaasimuhu wuxuu sheegay in ilaa sideed iyo labaatan qof ama sodan qof ay cisbitaalka u yimaadeen, kuwaas oo lagu dabiibay.  “Wuu jira shubankani laakiin wali baadhitaankiisa ayaa socda oo waad ogtihiin inuu Itoobiya ka jiro, marka wali lama ogaan, laakiin dadka cisbitaalka noogu yimid ee uu ku dhacay waa illaa sideed iyo labaan ama ilaa sodan qof inta aanu aragnay, laakiin way jiraan dad iyagu Hargeysa ama Gabiley u tagay xaaladan oo kale”ayuu yidhi Agaasimaha cisbitaalka Wajaale Cumar Cabdi.

Dhakhaatiirta ayaa kula talisay dadweynaha in ay nadaafadda ilaaliyaan, isla markaana marka xaaladan shubanka ah oo kale uu yimaado taxadar badan la sameeyo, haddii qof kamid ah qoyska uu ku dhacana si dhakhso ah loola soo xidhiidho cisbitaalka ugu dhow.

Sidoo kale, dawladda ayaa iyadana  loo baahan yahay inay taxadar badan samayso, isla markaana wacyigelin ku samayso dadka si looga badbaadiyo cudurkan Shubanka ee aan wali la garan nooca shuban ee uu yahay, taas oo baadhitaan lagu hayo, iyadoo Itoobiyana aanay wali soo saarin nooca shuban ee uu yahay, inkastoo wacyigelin badan loo sameeyey inay is ilaaliyaan, maadaama oo shubanku yahay cudur qofka halis galin kara marka uu  haleelo haddii aanu helin goobo caafimaad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.