WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 11, 2016 (Saxafi) – Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey dhalashada Nebigeena Suuban ee Muxamed NNKH, ayaa lagu qabtay magaaladda Hargeysa, gaar ahaan hotel Maansoor, iyadoo ay madashaas soo buux dhaafiyeen haween aad u tiro badan.

Boqolaalkan haweenka ah, oo ay isku keentay munaasibadda xuska dhalashada Nenigeenna Suuban ee Muxamed NNKH, ayaa waxa soo qaban qaabiyey jimciyatul Axbaab, taas oo loogu talo galay in ummadda islaamka ah la xasuusiyo maalintani qiimaha ay u leedahay iyo sidii ay u weynayn lahaayeen dhalashada Negiga NNKH.

Munaasibaddan Ayaa waxa lagu soo bandhigay intii ay socotay qasiidooyin iyo axaadiis ka turjimaya Nebigeenna Suuban ee Muxamed NNKH, waxaana sidoo kale halkaasi laga soo jeediyey qasiidooyin kala duwan oo ka hadlaya mawliidka Nebiga oo la xuso sannad kasta maalintan oo kale, isla markaana lagu faah faahiyey munaasibaddan sidii ummadda Islaamka ahi u weynayn lahaayeen maalintan dhalashada Nebigeenna suuban ee Muxamed NNKH.

SomlegalAds

mawliidka-nabigaGuddoomiyaha Guddida qaban qaabada xuska maalintan qiimaha badan ee Mawliidka Nebiga NNKH Xaliimo Cilmi oo ugu horayn halkaasi ka hadashay, ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay muhiimadda ay maalintani leedahay, waxaanay sheegtay in loo baahan yahay sidii ummadda Islaamka ahi u jeclaan lahaayeen Nebigeenna Suuban ee Muxamed NNKH, iyada oo halkaasi ka soo jeedisay kalmado salka ku haya dhaqannadii wanaagsanaa ee Nebiga iyo asxaabtii.

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland Shugri Xariir Ismaaciil oo iyaduna halkaasi ka hadashay, ayaa waxa ay sheegtay in loo baahan yahay weynaynta maalintan dhalashada Nebiga, waxaanay tidhi “Waxaan leeyahay cid kasta oo ka qayb qaadatay in xuskan la qabto ILAAHAY miisaanka xasanaadka ha ugu daro” ayaa ka mid ahaa hadalladii Shugri Xariir ka jeedisay munaasibaddan xuska ah.

Dhinaca kale waxa halkaasi laga soo jeediyey Axaadiis ka hadlaya taariikhda Nebigeena Suuban ee Muxamed NNKH, kuwaas oo uu guud ahaan salka ku hayey in dadka loo iftiimiyo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen taariikhda Nebi Muxamed NNKH, isla markaana loo weynayn lahaa maalintan oo muhiimad gaar ah u leh umadda islaamka ah meel kasta oo ay joogaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.