WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, December 17, 2015 (Saxafi) – Siyaasiyiin ay kala hoggaaminayaan Cali Khaliif Galaydh iyo Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur ayaa isku seegay dagaal ay ku wada hayaan Somaliland oo mid waliba dhankiisa ictiraaf ugu raadinayo maamulo ay doonayeen inay dhexdeeda ka sameeyaan (Awdal State iyo Khaatumo State).

Siyaasiyiintan oo muddooyinkii ugu danbeeyay magaaladda Muqdisho iyo Djibouti ka waday is bahaysi ay doonayeen inay dib ugu soo nooleeyaan urur la odhan jiray USP oo laxdamaadkii jiray ayaa aakhirkii laba maalmood ka hor ku kala tegey arrintaasi, ka dib markii Cali Khilaaf ku eedeeyey kooxda xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Awdal inay carqalad ku yihiin aqoonsi dawladda Muqdisho ku aqbasho Khaatumo State, isagoo xildhibaankana ku tilmaamay nin cidlo taagan oo aan haysan awood uu ugu ololeeyo maamul goboleedka u sheeganayo ee Awdalstate, taasoo sababtay in doodoodaasi laga dhegeysan waayo shirweyne lagu qabtay Muqdisho.
Kooxo ay kala hoggaaminayaanali Labadan dhinac ayaa warku sheegay in Cali Khaliif waayo aragnimo siyaasadeed u leeyahay galaan-galka dawalada Muqdisho iyo maamul-goboleedyada ay isku haybta sheegtaan, balse tan Xildhibaan Cilmi aanu lahayn awood caynkaas ah oo u Muqsisho iskugu keeni karo dadka reer Awdal ee arragtidaas aaminsan.
Khilaafka labada dhinac ayaa loo arkay mid hoos u dhigi kara olole Somaliland diid ah oo ay ku aasaasayeen urur ama xisbi la yidhaahdo USP oo mideeya labada gobol ee darifyada Somaliland ku kala yaalla.
Dhinaca kale, wasiirkii hore ee arrimaha debedda ee dawladda Soomaaliya Bayle ayaa la sheegay inuu gacanweyn ku lahaa abaabulka iyo qabsoomidda shirweyne kalle oo isna maamul goboleedyada Soomaaliya loogu qabtay Djibouti, kaas oo ku saabsanaa qaybsiga khayraadka dabiiciga ah iyo arrimo kale. Shirkan labaad oo Dawladda Djibouti marti-gelisay ayaa la sheegayaa in Mud Bayle u gudbiyey qoraallo ku saabsan macdanta gobolka Awdal laga soo saarayo, isaga oo ku dooday in Gobolka Awdal ka qatan yahay khayraadka iyo horumarka Somaliland-ba, waxaana uu sidaa darteedna u soo jeediyey in loo baahan yahay in loo qoondeeyo mashaariic horumarineed iyo dhaqaale loo siiyo abaaro ku dhacay, loogana soo jaro dhaqaalaha Soomaaliya ku baxa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.