WorldRemitAds
Dalka Shiinaha oo ah waddanka dadka ugu tirada badan dunidu ku nool yihiin, ayaa dhibaatada dikhowga hawada ee dunidu sida wayn uga qaylinaysay wakhtiyadii u danbeeyay ku noqotay, laf dhuun gashay, waxaana dalkaas ka jira xaalad bandoo la moodo oo wasakhowgu ku soo rogay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

Magaalada shanghai ee dalkaas u ah xarunta ganacsiga isla markaana ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee dalkaas, ayaa daruuro madow oo gabi ahaanba qariyay muuqaalku isku gadaameen, waxaanay taasi sababtay in maamulayaasha dalkaasi amar ku siiyaan dadka ku dhaqan magaaladaas inay guryahooda ku ekaadaan oo aanay ka soo bixin.
Dikhowga HawadaDaruuurahan madow oo ka dhashay dikhowga hawada ee degaankaas oo ay ku yaalaan kumayaal warshadood, waxa ay sababeen in aragtidu yaraato oo dhawr talaabo wax ka badan aan la arki Karin, gaadiidka oo dhan ayaa gabi ahaanba la joojiyay oo isu socodka gaadiidka kala duwan oo halis ku jira ayaa sababtay in la arki kari waayo aragtida dhawr talaabo ka badan.
Xaaladan ayaa soo dedajisay in maamulka dalkaasi soo saaraan, amar ay dadka daraaseeya arrimaha degaanka iyo bii’ada ay kaga dalbanayaan, inay sameeyaan baadhitaan intan ka sii badan isla markaana xog dheraad ah ka bixiyaan sida ay noqon karto xaalada cimilada iyo ta hawadu ee dalkaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.