Jariirada loogu akhriska badan yahay dalka Holland ee afka Dutch-ka ku soo baxda “Telegraph ayaa sheegtay, in booliska caasimadda dalkaas ee Amsterdam ay qabteen, ka dibna ganaax lacageed oo dhan kun lacagta Yuurada ah u jareen wiil saddex jir ah oo ku kaatshay waddo ka mid ah jidadka magaalaas.

Jariirada ayaa intaa ku dartay in dhacdadan ay aad uga xumaadeen qoyskaas iyo dad badan oo la jaar ah, waxaanay jariiradu soo qaadatay halku dheg uu yidhi mid ka mid dadka qoyskaas la dariska ah oo isagoo kor u dhawaaqaya yidhi, “Talaabadani may ahayn mid wanaagsan oo waa arrin laga xumaado, hasa yeeshee askarigaas umay banaanayn wax kale oo uu sameeyo, waayo? Ma jirto hab kale oo uu qasnada dawlada lacag ku soo geliyo.” Ayuu yidhi ninkaasi.
Wargeyska ayaa qoraalka warka wiilkan yar ee lacagta adag lagu ganaaxay ku soo gaba gabaysay, tani waa mid looga baahan yahay Boolisku in ay naftooda iyo dadka ehelkooda ahna mariyaan, hasa yeeshee maaha mid kaliya ku kooban oo qudha dadka kale ee shacbiga ah, taas oo ah ayay tidhi jariiradu mid booliska dalkaasi caadaystay.