WorldRemitAds
Sawir si lama filaan ah uu qof mutadawac ahi uga qaaday, nin qaxooti reer Suuriya ah oo jidadka caasimadda Lubnaan ee Bayruut, ku iibin jiray qalimaanta wax lagu qoro, meelo badana wareegi jiray, maalin kasta isagoo xambaarsan gabadh yar oo uu dhalay, ayaa sawirkii laga qaaday noloshiisi u badalay, heer aanu marna ku hamiyin oo aanu filayn.

Sida ay ku warantay jariirada The Telegraph, ninkan qaxootiga ah ee dalka Suuriya ka soo baro kacay, ayaa dantu ku khasabtay, inuu maalin kasta wareego tobanaan kilo mitir oo ka mid ah jidadka magaalada Bayruut ee caasimadda Lubnaan, halkaas oo uu ku iibin jiray qalimaan uu gacanta ku sido.
Sawir Bedelay Nolosha Suuriyaan Waxa inta badan lagu arki jiray ninkani isaga oo xambaarsan gabadh yar oo uu dhalay, taas oo ka mid ah carruurtiisa aadka u yar yar, taas oo inta badan ku dul seexan jirtay tunkiisa, laakiin waxa labadoodaba marka aad dheehato ka muuqanaysay, dhibaatada baahida iyo danta haysa ee dusha uga soo baxday.
Cabdi Xaliim Cadar oo ah magaca ninkaas, ayaa noloshii diifta iyo dhibta badnayd ee isaga iyo ubadkiisu ku jireen, uu mar qudha mid ladnaan iyo hantiile ah, waxa u badalay sawir uu qof jidka marayay si lama filaan ah uga qaaday, ka dibna ku baahiyay shabakada xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka.
Sawirka ninkan oo runtii ahaa mid qof kasta oo shucuur aadaminimo ku jirta oo arkaa, aanu ilmada ceshan Karin, ayaa markii uu qofkii ka qaaday, bogiisa Twitter-ka dhigay, dood iyo talo bixin balaadhani ka bilaabantay, waxaanay xubno mutadawaciin dadka wanaaga jecel ahi, ay ku taliyeen in ninkan la caawiyo, oo cid walba wixii ay heli karto ugu tabarucdo.
Dedaal dheer ka dib ayaa lagu guulaystay in loo ururiyo qaadhaan lacageed oo aad u buuran, kaas oo sida jariiradu sheegtay markii la ururiyay, noqday boqol iyo sagaashan kun oo dollar.
Runtii Cabdi Xaliim Cadar oo isagu ahaa nin khibrad u leh ganacsiga, balse dantu dhigatay, ayaa markii lacagtaa uu helay, waxa uu samaystay, meherado uu macmacaanka iyo cuntooyinka fud fudud ku iibsho, kuwaas oo markiiba suuq wayn oo uu ka macaasho u helay.
Lacagtii la siiyay ee boqol iyo sagaashanka kun ee dollar ahayd ayuu ninkani shan iyo labaatan kun oo ka mid ah, isna ku sii caawiyay, dad ay ka soo wada baro kaceen dalka Suuriya oo sidiisoo kale baahi badani haysay.
Intii kale ee uu soo hadhayna, waxa uu ku hir geliyay sadex mashruuc oo kala ah, moofo yar oo uu roodhida, keega iyo macmacaanada ku sameeyo, hudheel yar oo laga cunteeyo iyo macmacaanle yar oo uu kabaabka iyo xalwadaha ku iibiyo.
Sida jariirada The Telegraph, ku warantay Cabdi Xaliimkii dhawr bilood ka hor la rafaadsanaa nolosha qoyskiisu, waxa uu imika ka mid noqday, maal qabeenada soo koroya ee magaalada Bayruut, waxaanu shaqo abuur u sameeyay 16-qof oo iyaguna ka mid ah qaxootiga reer Suuriya, kuwaas oo nolol maalmeedkooda ka hela meheradihiisa kala duwan ee uu ka samaystay, lacagtii qaadhaanka ahayd ee ay ku caawiyeen dadka sama falayaasha ee sawirkiisa ka naxay.
Ninkan ayaa sheegay in deeqdaas ay dadka sama falayaashu siiyeen noloshiisa iyo tobanaan kale oo qaxooti ah ay badashay, imikana ay ubadkiisu dib u bilaabeen waxbarashadoodi ka baaqatay, waxaanu xusay in lacagta lagu caawiyay in badan oo ka mid ahi aanay ilaa wali soo gaadhin oo Dubai loogu xawilay, qof ay macaariif yihiina ay soo marayso.
Cabdi Xaliim ayaa ka mid ahaa qaxootigii reer Falastiin ee xerada Yarmuuk ee bariga caasimadda Suuriya ee Dimishiq ku noolaa, ka hor intaanay dagaaladu ka dhicin dalkaas, markii ay bas beeshay xeradaasina nafta ula soo cararay, Lubnaan laakiin muu helin daryeel qaxootinimo, sababtoo ah? Muu haysan aqoonsiga Suuriya oo markii horeba qaxooti ayuu ahaa, laakiin imika markii la caawiyay waxa dib u dhisantay nolosiishi oo isaga iyo qoyskiisiba waxay heleen nolol ka wanaagsan sidii xaalkoodu dhawr bilood ka hor ahaa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.